Monday, August 25, 2025

Dayacaadii Dowladda & Da’yartii loo qaadey Dalka Eriterea…!!! (Qormo Dareen xambaarsan)

-

Kuma soo koobi karo dareenkayga qormo yar ee aan halkaan kusoo gudbiyo oo keliya waxaa i huraya oo i ololaya qalbiga, waxaan la’nahay wiil yaraheena walaalkay Mustafa Aadan Sheekh Cabdi, mudo ku dhow laba sanno.

Nin dhalinyaro Soomaaliyeed oo magaciisu yahay Mohamed Aadan Sheekh Abdi, ayaa qoraalkan oo uu ii soo direy sidaas ku bilaabay waxaana uu iga codsaday inaan la wadaago axsaabta ku xiran boggeyga Facebook, waxuuna isagoo arimahan kasii hadlaya uu yiri:

Walaalkay iga yar Mustafa Aadan Sheekh Cabdi, kuma aanan heynin nolol iyo geeri toona laga soo bilaabo dabayaaqadii sanadkii 2019 kii.Wax kabadan sanad iyo bilooyin kadib oo aan la’ayn walaalkey Mustafe, bishii saddexaad ee sanadkaan ayaa waxaa isoo baaqey telefoon dheer oo ka kooban toban jiifar ama nambar, waana wacay waxa ugu horeeyey ee uu walaalkey igu dhahay waxay ahayd “Aboowe Maxamed waa walaalkaaga Mustafe, waxaan ku suganahay dalka Eriterea oo ay dowladu tababar inoogu qaadey, walaal tababarkii waa inoo dhamaadey mana jirto cid na magac heysa oo na leh waa la idin qaadaa iyo in kale, walaal xaalad adag ayaan ku jirnaa ee Fadlan qur’aan inoo soo akhriya alle meeshaan anagoo nabad hanaga soo wadee…!!!!

Waxaan ugu jawaabay waayahay walaal wax walbo oo aan awoodno waan idin sameynaynaa adiga iyo dhamaan dhalinyarada Soomaaliyeed ee kale oo meeshaas ku hoogsan, ee alle ha idin amaansado oo ha ina wada mideeyo mar kale anagoo nabad ah…!!! GAF lacagtii baa go’day.

Habeenkii baan mar kale wacay si aan hooyo iyo qaar kamid ah ehelka ula hadalsiiyo balse mudo dheer ee uu i lahaa telka waa mashquul, lama heli karo iyo waa khalad IWM maadaama wadankaas ay isgaarsiintiisu wanaagsaneyn, halmar buu ii dhacay telefoonkii kadib waxaa iga qabtay wiil Soomaali ah waxaan weydiiyay magaca wiilka aan raadinayey wuxuu ii sheegay inuusan u dhaweyn telkana uu ka dhaxeeyo boqolaal tababar ku jirta oo ku sugan xeradaas ciidan, islamarkii wiilka wuxuu iga codsaday inaan u xiriiriyo Hooyadiis oo xamar ku sugan si uu dhibkiisa ugu sheegto waan u xiriiriyay halkaas ayay isaga iyo hooyadiis farxad iyo reyn reyn isla dhaceen kadibna lacagtii baa iga go’day.

Marar badan oo kale ayaan telkaas wacay waxaa la igu dhahayey walaalkaa inooma dhowa ee walaal hooyadey oo meel hebel joogta ii xiriiri, waxaan sabab u noqday in ka badan toban ruux oo aysan waalidkood nolol iyo geeri midna ku heyn inaan isla hadalsiiyo, inkastoo walaalkay markii kadib aanan helin hadana waan ku faraxsanahay inaan dad soomaaliyeed oo kala lumey isla hadashiiyo.

Shalay oo ay taariikhdu ahayd 05/06/2021 saacaduna ku beegneyd 11:41 am oo barqanimo waxaa iisoo baaqey telfoon lamid ah midka aan kor kusoo xusey, ilaa xalay habeenkii barkii oo aan wacayey kadib mar qura ayuu ii galey telfoonkii waxaana is haleelnay walaalkey Mustafe oo aan waxbadan iska wareysanay oo ii sheegay in xeradii hore laga soo kaxeeyay lana geeyay xero aad uga fog magaalada.

Waxaa kale oo ii sheegay Mustafe in in kabadan 100 dhalinyaro ah ka baxsadeen xerooyinka kadib markey u dulqaadan waayeen dhibaatada meeshaas ku heysata, wuxuu kaloo ii sheegay in dhalinyartaas qaar badan oo kamid ah la dhaawacay, la diley halka qaar kaloo badan xabsiyada la dhigay.

Walaalkay Mustafe dhibaatooyin fara badan ee halkaas ku heysta buu iiga sheekeeyay ee alle haka soo baxsho walaalkayga iyo inta lamidka ah ee halkaas ku dhibaateysan?.

Ugu dambeyn waxaan talo ahaan usoo jeedinayaa Dowlada Federaalka Soomaaliya in dhalinyaradaas Eriterea ay gaysay inta yar ee ka harsan gacmaheena kusoo sinto, inta meeshaas lagu dileyna magdhow ka bixiso shacabka Soomaaliyeedna ay cafis weydiisato maadaama ay caruudtooda iyadoon wargelin wadamo shisheeye ugu qaadey tababar ciidannimo.

Fadlan qoraalkan la wadaag walaalaha iyo waalidiinta ay ubadkooda iyo ehelkooduba ku maqanyihiin Eriterea iyo cidkasta oo ay quseyso howshaan oo awoodna u leh inuu wax ka qabto.

W/Q: Abdulahi Nur Colombo

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Natiijada Imtixaanka Dowladda Somaliya ee Dugsiyada Sare 2024-2025 oo la shaaciyay iyo Ardayga …

Wasaaradda Waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Jowhar uga dhawaaqday natiijada Imtixaankii fasalka 12-aad ee Dugsiga Sare ee koonfurta Soomaaliya, sanad dugsiyeedka 2025/2025.Waxaa...

AKHRISO: Liiska Magacyada Xildhibaannada Maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya

Guddiga Hubinta iyo Ansixinta Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ee Dowlada Federaalka Soomaaliya magacawday ayaa soo saaray Liiska rasmiga ah ee Golaha...

Natiijada Imtixaanka Dowladda Fasalka 8aad ee Dugsiyada G/Banaadir 2025 (Halkan ka Akhriso)

Maamulka Gobolka Banaadir, Qeybtiisa Agaasinka Waxbarashada Gobolka ayaa maanta shaaciyay Natiijada imtixaanka Fasalka 8-aad ee sanad Dugsiyeedka 2024/2025.Imtixaankii Fasalka 8aad ee dugsiyada Gobolka Banaadir...

Puntland oo beenisay inay ciidankeeda qabsadeen Markabka Hubka sida ee MV Sea World, baaqna u dirtay DFS iyo Turkiga

Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa war cusub kasoo saaray markabkii hubka siday ee MV Sea World, iyadoo shaacisay inuu markabkaas weli ku socdo baaritaan. War-saxaafadeedka oo...

Fahad Yaasiin oo Siciid Deni ku dhaliilay Markabka Hubka ee Puntland qabsatay, lana saftay Dowladda Federaalka

Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan markabka hubka sida ciidamada Puntland ay qabsadeen, kaasoo xiisad cusub...

Dowladda Somaliya oo Digniin u dirtay Puntland, kana dalbatay inay sii deyso Markabka hubka ee ay qabsatay

Dawladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay Markabka ay qabsatay Puntland, waxaana warsaaxafadeed kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta DFS lagu sheegay in markabka hubka...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you