Saturday, July 5, 2025

Deelqaafka ku jiray Khudbadii Ra’iisul Wasaare Rooble (Qormo kulul)

-

DEELQAAFKA ku jiray Khudbadii Ra’iisul Wasaare Rooble ee dareenka aan ka muujiyay. Sadex qodob ayaanan ku soo koobayaa.

Sadex qodob ayaanan ku soo koobayaa.

1. Arimaha amniga wuxuu sheegay in uu la soo wareegay Amniga doorashooyinka iyo fulinta qorshaha amniga guud ee qaranka.

– Amniga doorashada waa howl farsamo mas’uuliyadeedana waxaa iska leh Ciidanka Booliska heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed. Waana shaqo uu qaban karo Taliye Saldhig isagoo kaashan kara cidii uusan uga maarmeyn. Lkn waxa la isku hayo intaas waa ka mug weynyihiin, taasoo ah awaamiirta Taliyeyaashu bixinayaan, cida ay ka amar qaadanayaan iyo siyaasaadka ay ku shaqaynayaan.

Rooble waxa laga sugayay in uu mas’uuliyada amniga si buuxda ula wareego, badalana Taliyeyaasha dhiiga gacmaha kula jira ee hormuudka ka ahaa dhibaatadii ka dhacday magaalada Muqdisho.

– Fulinta Qorshaha Amniga ee Rooble sheegay hadii uu yahay midkii Farmaajo shalay Golaha Shacabka ka hor sheegay waxaba isma badalin wali, waxayna ka dhigantahay in Farmaajo wali yahay Taliyaha Ciidamada Qalabka Sida, Rooblena uu yahay fuliyaha qorsheyaasha Farmaajo.

Walina waxaan aqrisanaynaa casharadii Farmaajo muddada afarta sano ah noo meerinayay ee ay ugu dambeeyeen weerarkii 19-kii Febraayo uu ku qaaday Madaxweyneyaal, Ra’iisul Wasaare, Musharaxiin, Xildhibaano, Siyaasiin iyo Shacab si nabad ah u bannaanbaxaya.

Weerarkii 14-kii iyo 16-kii Abriil lagu qaaday Taliyihii Booliska Gobolka Banaadir Gen Saadaq Joon iyo duulaankii qorshaysnaa ee guryaheena lagu soo qaaday 25-kii Abriil ee dad shacab ah lagu laayay kuwa kalena lagu barakiciyay, Ciidamada Qalabka Sida-na ku burbureen oo maanta aagag dagaal isaga soo horjeedaan.

2. Ciidamada wuxuu yiri mucaarad iyo muxaafid malahan waxaanan farayaa in ay xeryahooda ku noqdaan, kana fogaadaan in ay ku milmaan arimaha siyaasada. Sidoo kale wuxuu sheegay in loo saarayo gudi farsamo oo ka soo talo bixiya arimaha siyaasadeed ee saameynta ku yeeshay ciidamada.

– Ra’iisul Wasaare Rooble waxaan waydiin lahaa sidee xero u wada geli karaan Ciidamo madaafiic isla dhacay oo dhufaysyo isugu jira iyadoo aan la xalin sababihii dhaliyay arintaan, sidoo kalena aan la samaynin isbadal muuqda oo kalsooni gelin kara labada dhinacba. Sidoo kale sidee isku aaminayaan ama u kala amarqaadanayaan Taliyeyaal kala irdhoobay, mid waliba midka kale xabad ku goobayo, wax xurmo ah oo ka dhaxeysana aysan jirin?

– Siyaasada ciidamada in laga dhex saaro ma xuma lkn Farmaajo makaa yeelayaa, maadaaba ilaa hada ciidamo uu ka soo daabulayo gobolada dalka si uu mar kale ugu isticmaalo siyaasad. Dhanka kale gudiga aad sheegtay in aad magacaabayso sidee loo aamini karaa hadii uu noqdo gudi hal dhinac ah, sooma noqon karo gacmo Farmaajo ku adeegto mar kale?

3. Qodobka ugu dambeeya waa arinta ku saabsan shirka DF iyo DG ee Rooble sheegay in uu ku baaqi doono. Rooble iyo Farmaajo waxay ka mideysanyihiin in aan waxaba lagu darin heshiiskii 17-kii September iyo talo soo jeedintii 16-kii Febraayo wax sharuudo ahna aan lagu xirin. Sida labadooduba shalay ay ku sheegeen khudbadahooda.

– Waxaan su’aali lahaa Ra’iisul Wasaare Rooble hadii howshu sidaas u fududahay maxay Madaxweyneyaasha DG Muqdisho u fadhiyeen mudo 45 cisho, shirkuna u fashilmay, sababayna in dagaal ka dhaco magaaladan.

Aragtideydu kuma dhisna caaddifad ee waxay ka tarjumaysaa waaqica jira.

Waxaanan diyaar u ahay inaan qayb ka noqdo xal walba oo suurtagelin kara in si nabdoon dalkaan doorasho uga dhacdo, dalka iyo dadkana laga samatabixiyo mushkiladaan uu dhex maquuranayo. Ra’iisul Wasaare Rooble waxaan leeyahay abtiyow dhiiqadii Farmaajo lugaha kula jiray yaan adiga lagaaga dhex siibanin ee si xikmadeysan arintaan u wajah, dadkana talada wax ka sii.

Kuwa xamaasadeysan ee raba caaddifad in ay ku majoxaabiyaan dadaalkeenana waxaan leenahay walaaleyaalow Ilaahey iimaanka ha idin geliyo.

Mahadsanidiin.

W/Q: Hon. Mahad Salad

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Shirkii Madaxweyne Xasan iyo Madasha Mucaaradka oo la isku mari waayay (ma burburay mise..?)

kulankii labaad shirka Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madasha Samata-bixinta Mucaaradka ayaa maanta ka dhacay xarunta Madaxtooyada ee Villa Somaliya.War kooban oo kasoo baxay...

FAAHFAAHIN: Dad yar oo ka badbaaday Diyaaraddii AUSSOM ee ku burburtay Garoonka Muqdisho

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helay diyaarad nooca Helicopter-ja ah oo ay lahaayeen ciidamada Midowga Afrika ee howlgalka AUSSOM, taasoo kasoo kacday garoonka Ballidoogle...

Dhalinyarro careysan oo bannaanbax Careysaan ka dhigay magaalada Muqdisho iyo Rasaas loo adeegsaday

Dhalinyarada ku shaqeysata Mootada dhugdhugleyda ee loo yaqan Fekon-ta ee aya maanta bannaabax careysan ka dhigay caasimadda Muqdisho, iyagoo xirtay Isgoyska muhiimka ah ee...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Calan-saarkii iyo xuskii ugu weynaa u sameeyay 1-da Luulyo (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay iyo maanta si aan hore loo arag u xusay munaasabadda xoriyadda gobollada Koonfureed iyo midowgii...

Ra’iisal wasaaraha Qatar oo qaabilay Madaxweynaha Somaliland iyo dowladda Qatar oo xaqiijisay Qaranimada Somaliya

Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar, Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al-Thani ayaa xafiiskiisa magaalada Doha ku qaabilay Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro). War...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhagax dhigay dhismaha Garoonka cusub ee ‘New Mogadishu International Airport’

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Mas'uuliyiin la socda ayaa gaaray degaanka Haabaay ee degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellaha Dhexe.Safarka Madaxweynaha waxaa ku wehliya...

Madaxweyne ku xigeenkii Jubaland oo ku geeriyooday Nairobi iyo Madaxweyne Xasan Sheekh oo Qoraal kasoo saaray

Allaha u naxariistee waxaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya maantya ku geeriyooday Madaxweyne ku xigeenkii labaad ee maamulka Jubbaland Cabdulqaadir Xaaji Maxamuud (Lugadheere).AUN C/qaadir...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you