Ciidamo gadoodsan oo qabsaday xarunta Baarlamaanka Puntland & Wararkii ugu danbeeyay

0

War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in ciidamo gadoodsan ay la wareegeen xarunta Baarlamaanka maamul goboleedka Puntland ee magaalada Garowe.

Ciidamadan ayaa la sheegay inay qabsadeen xarunta iyagoo isku gadaamay xarunta Baaralmaanka, ciidamada ayaa wata gaadiidka dagaalka, iyagoo ka cabanaya mushaar la’aan.

Wararka laga helayo Garowe  ayaa sheegaya in ciidamadan ay ka yimaadeen gobolka Mudug, isla markaana ay diideen in xarunta Baarlamaanka la galo ama laga baxo.

in ka badan 10 xildhibaan oo xilligan ku sugan xarunta Baarlamaanka ayaa la sheegay inay ku xayiran yihiin xarunta Baarlamaanka. Xaaladda magaalada Garowe ayaa la sheegay inay kacsan tahay iyadoo xiisad weyn ka jirto.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in ciidamada ay ka baxeen xarunta Baarlamaanka, kadib markii uu waanwaan la galay Islaan Ciise Islaam Maxamed oo ka mida isimada Puntland, oo ka codsaday inay xerooyinkooda ku laabtaan, wixii cabasho ahna la xalin doono.

DAAWO SAWIRRO

16976765_694169844088402_1909167628_n

17006183_694169854088401_2073588144_n

17012464_694169880755065_1260859135_n

GOOBJOOGE.COM