DEGDEG: Mareykanka oo Bamka ugu weyn Dunida ku riday dalka Afghanistan

0

Aqalka cad ee Mareykanka ayaa goor dhoweyd ku dhawaaqay in Bamka ugu weyn dunida ee hore loo adeegsan lagu riday dalk Afghanistan Khamiistii maanta.

Bamkan oo lagu magacaabo BOAM ama hooyada bambooyinka dunida “the mother of all bombs” waxaa laga riday diyaarad nooceedu yahay C-130, iyadoo lala beegsaday Godad ay dalka Afghanistan ku leeyihiin kooxda Daacish.

Bamkan ayaa weligiis la isticmaalin, waxaana lagu tilmaamaa Bam aan Niyukliyeer ahayn kan ugu weyn dunida, iyadoo uu culeyskiisu gaarayo 21,600lb ama 9,800kg.

Waxaa loo adeegsaday goob la sheegay in ISIS ay ku lahay godad halis ah oo ku yaalla Gobolka Nangarhar. Weli lama shaacin qasaaraha uu geystay iyo wixii ka dambeeyay markii bamkaasi uu qarxay.

Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ayaa la filayaa inay faahfaahin dheeraad ah bixiso iyadoo arrintan ay noqoneyso go’aan uu qaatay ganacsadaha madaxweynaha noqday ee Mareykanka Donald Trump.

Goobjooge.com