DEGDEG: Nin weerar ku qaaday Jaamacadda Ohio ee dalka Mareykanka oo noqday Soomaali

0

Weerar lagu qaaday jaamacadda Ohio State University ayaa la sheegay inuu ka danbeeyay wiil arday Soomaali ah oo 20 sano jir ahaa.

Weerarkan oo dhacay galabnimadii ayaa nin watay Gaari xoog ku galay Jaamacadda isagoo gaariga u adeegsaday weerarka kadibna dhowr qof  ku weeraray Toorey.

Booliska ayaa uga diday dadka in ruux hubeysan uu ku sugan yahay jaamacadda, waxaana la joojiyay guud ahaan  dhaqdhaqaaqa goobta iyadoo markii danbe la dilay qofkan oo wararkii ugu dambeeyay sheegayaan inuu yahay wiil Soomaaliyeed oo 20 sano jir ah.

8 qof oo midkooda xaaladiisu liidato ayaa ku dhaawacmay weerarka uu qaaday wiilkan Soomaaliga ah, waxaana hadda soo baxaya  faahfaahin dheeraad ah.

Booliska ayaa rasaas ku furay wiilkan oo kadibna toogasho ku dilay, sida laga soo xigtay saraakiisha ammaanka, waxaana weli socda baaritaanka lagu hayo ujeedada weerarka ka dambeysay.

Goobjooge.com