Kulan ay xildhibaannada taageersan guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku yeesheen xarunta Villa Hargeysa ayaa soo saaray go’aan ku saabsan xaalada hareysay mooshinka laga keenay Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari).
Xildhibaannada ayaa sheegay inay sameynayaan guddi la xaajooda dhinaca kale ee mooshinka ka keenay guddoomiyaha Baarlamaanka, waxayna shaaciyeen in 25 xildhibaan ay iska dhex qabanayaan si ay kulamo ula bilaabaan dhinaca kale.
Kulanka saxaafadda loogu yeeray oo buuq badan iyo isku dhex yaac uu ka taagnaa isla markaana u muuqday mid aan habeysneyn oo isku qasan, go’aan loo mideysan yahayna lagu gaari waayay ayaa qaar ka mida xildhibananada ay sheegeen inay waanwaan la gelayaan xildhibannada ka wada Guddoomiyaha Baarlamaanka, isla markaana la kulmaya madaxweynaha iyo guddoomiye ku xigeenka koowaad.
Ma cadda inay aqbali doonaan waanwaanta xildhibaanada kasoo horjeeda guddoomiye Jawaari eek ku doodaya inay kulamo qabsan doonaan Sabtida oo ay ka hadli doonaan mooshinka xil ka qaadista Jawaari.