Shir madaxeedkii urur Goboleedka IGAD ayaa maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Addis ababa ee dalka Itoobiya, iyadoo dib habeyn lagu sameeyay Urur Goboleedka IGAD, isla markaana guddoonka wareega ay qabatay dalka Suudaan.
Dowladda Kenya ayaa lagu waday inay sanadka 2020-ka qabto guddoonka IGAD, laakiin dood ka dhalatay awood qeybsiga IGAD oo ay keeneen dalalka Somalia iyo Jabuuti kadib markii xoghayaha guud ee IGAD loo magacaabay Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Itoobiya ayaa keenay inay Kenya weyso xilka wareegga ah oo uu hore u hayey Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u hambalyeeyey Guddoomiyaha cusub ee Urur Goboleedka IGAD oo ah Ra’iisal wasaaraha Suudaan Cabdalla Xamduuk, iyadoo Cabdalla Xamduuk uu xubin ka ahaa Guddiga Dhaqaalaha ka Soomaaliya kahor intii aan loo magacaabin Xilka Ra’iisul Wasaaraha ee dalka Suudaan oo yimid kacdoonkii Suudaan kadib.
Sidoo kale, Madaxweynhuhu waxa uu soo dhaweeyey magacaabista Xoghaya Guud ee IGAD Mudane Workneh Gebeyehu, waxa uuna adkeeyey in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si dhaw ula shaqaynayso hoggaankan cusub, si loo gaaro hiigsiga muhiimka ah ee ururkeenna iyo arrimaha hortabinta u leh awood-siinta Gobolka.
Kenya ayaa olole dhinac kasta leh ugu jirtay inay qabato hoggaanka IGAD, xilli ay dacwad ku saabsan Xuduudka Badda kala dhaxeyso Somalia, iyadoo hore isugu sharaxday kursiga Golaha Amniga Q/Midoobay oo ay Jabuuti kula loolameyso.
