Tuesday, July 15, 2025

“Doorashada dalka ka socota waxay qaadan doontaa 2 sano” Yuusuf Garaad oo xisaab kusoo saaray

-

Marka laga soo tago cilladaheeda kale ee tirada badan, doorashada dalka ka socotaa waxay qaadan doontaa laba sano.

Haa waa laba sano, waa haddii aan gaabiska ay hadda ku socoto wax laga beddelin.Si aad isaga hubiso caddeynta, soo qaado qalin iyo waraaq, maaddaama aan geli doonno in yar oo xisaab ah.Labada aqal ee Baarlamaanka isu geyn xubnahoodu waa 329.

Mudanihii u horreeyay waxaa Kismaayo lagu doortay Khamiis, 29 July 2021.Waxaa maanta laga joogaa 101 maalmood. Muddadaas waxa lagu doortay isu geyn 54 mudane. Waxaa harsan 275 hor leh.

Haddii sidaa gaabiska ah ay ku socoto, in la dhammaystiro doorashada xubnaha labada Aqal waxay qaadaneysaa 514 maalmood oo hadda naga dhimman. Waa sannad iyo toddoba bilood oo ku eg bisha May ee 2023.101 maalmood oo ay hadda doorashadu “socotay”, laguna doortay 54 Mudane, iyo 514 maalmood oo haddii aan xawaaraha wax laga beddelin ay qaadan doonto in la doorto 275-ta Mudane ee Doorashadoodu ay harsan tahay, isu geyn waxay doorashadu soconeysaa 615 maalmood.

Waxay u dhigantaa 20 bilood.Haddii lagu daro laba bilood oo lagu dooran doono Guddoonka labada Aqal iyo Madaxweyne, waxay doorashu soconeysaa 22 bilood oo u dhiganta laba sano oo laba bilood dhimman.Yeey sidaan ugu badisaa? Ula kac miyaa ummadda loo khiyaamayaa? Mise waa mas’uuliyad darro iyo farsamo xumo dhanka madaxda ay gacanta ugu jirto doorashadu?Mid ay tahayba, Soomaaliyeey sidaasi ma na qabataa?

Ujeeddadeydu ma aha dhaliil iyo niyad jebin. Ujeeddadeydu waa in jiitanka iyo gaabiska laga daayo doorashada, ayna mas’uuliyadda saran dareeman Madaxda ay doorashadu gacanta ugu jirto.Waan ka quustay in aan ka quusto Soomaaliya.

W/Q: Yusuf Garaad
Wasiirkii hore ee Arrimaha dibadda

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Puntland oo Dacwad Xasaanad ka qaadid iyo Xarig kusoo oogtay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaankeeda oo taageeray..

Maamulka Puntland ee uu hoggaamiyo Siciid C/llaahi Deni ayaa  shaaciyay qorshe uu doonayo inuu xasaanadda xildghibaannimo uga qaado, kadibna dacwad culus lagu soo oogo...

Faahfaahin: Qarax lagu khaarijiyay Sarkaal Ciidan oo ka dhacay Afgooye iyo Alshabaab oo sheegatay

Qarax miino oo saaka ka dhacay xero ciidan oo ku taalla degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose ayaa sababay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac,...

Taliyaha Ciidamada Uganda oo Mareykanka ugu hanjabay inay Ciidamadooda kala baxayaan Somaliya

Taliyaha Ciidamada Difaaca dalka Uganda, General Muhoozi Kainerugaba, oo ah wiil uu dhalay madaxweynaha dalkaasi Yoweri Musaveni ayaa ku hanjabay inay Uganda ciidamadeeda kala...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun...

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

Faahfaah: Qarax is-miidaamin ah oo Shabaab ku qaaday Moqokori iyo Hoggaamiye lagu dilay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo ay sheegatay Alshabaab. Qaraxa ayaa loo...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you