Musharixiinta Madaxweyne ee ku haminaya iney ku guuleystaan tartanka doorashada waxa ay badankoodu u taagan yihiin iney is bedel cusub u horseedaan Soomaaliya,
haseyeeshee waxaa musharixiintaasi ku dhex jira qaar hogaanka dowladda horey u soo qabtay welina uu hunguri kaga jiro inaan laga bixin fashilka ku yimid hanaankii dowladeed ee ay Madaxweyne ama Raysal Wasaare mid uun kasoo noqdeen, islamarkaana  la doonayo in looga guuro isbedel cusub, tiiyoo ay xildhibaanada ay codadka ka doonayaana ay u qiimeysan tahay heerkooda waxqabad iyo balanqaadyadii ay horey ugu fashilmeen.
Dhamaan musharixiinta horey loo soo tijaabiyay ayaa isku raacsan iney doonayaan dhameystirka howshii loo igmaday mudadii ay xilka soo hayeen, waxaana khudbooyinkii ay u jeediyeen mudanayaasha Baarlamaanka laga dhadhansan karay sheegashadooda ah in haddii fursad kale la siiyo ay lasoo baxayaan karti iyo waxqabad aan horey looga baran, balse laga yaabee in hadaladooda dadkii dhageystay qaarkood ay ku doodi lahaayeen iney mudnaayeen raggaasi in maxkamad lagu soo taago dembiyadii ay dalka iyo dadka u geysteen dowladihii ay madaxda u soo noqdeen.
Cabsida keliya ee laga qabi karo iney si cadaalad ah ku dhamaato doorashadani oo la filayo iney maalinta Arbacada ah ka dhacdo Magaalada Muqdisho ayaa ah in si aan qarsoodi aheyn ay qaar ka mid ah dalalka deriska ama daneeya arrimaha  Soomaaliya ay dusha ku xambaarsan yihiin mid ama laba ka mid ah musharixiinta horey loogu soo hungoobay hogaankooda, sida Madaxweynaha dowladda uu waqtigeedii dhamaaday, kaasi oo rajeynaya in faragelintaasi dibadeed uu kaga faa’iideysto dib usoo laabashadiisa, maadaama aaney u muuqan in xubnaha labada Aqal ee Baarlamaanka aanu ka dhex heli karin kalsoonidii uu u baahnaa sida lagu ogaaday doorashadii Guddoomiye ku-xigeenka Baarlamaanka oo looga adkaaday musharixii ay isku kooxda ahaayeen.
Marka laga soo tago cabsigelinta iyo hanjabaadaha la sheegayo iney xildhibaanada qaarkood kala kulmayaan dowladaha doonaya in doorashadani ay kusoo baxaan musharaxa ay gadaal ka riixayaan ayaa waxa ay dad badani qabaan in labaatan musharax oo u taagan in isbedel cusub la helo aaney aqbali doonin in Soomaaliya loo afduubo hogaan aaney dadkeedu raali ka aheyn, iyadoo weliba xildhibaanada labada Aqal oo ay ku badan yihiin xubno wejiyo cusub ah ay u muuqato iney doonayaan inuu doorashadani kusoo baxo hogaan cusub iyo Madaxweyne aan horey loo tijaabin.
W/Q: Xasan Maxamud Shiino