Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Afrika ayaa isla gartay in si tartiib ah ay ciidamada AMISOM uga baxaan dalka Soomaaliya.
Shir muddo shan Maalmood ah socday oo ka dhacay Xerada Xalane ee magaalada Muqdisho ayaa lagasoo saaray go’aano dhowr ah oo ay ugu muhiimsanaayeen in ciidamada AMISOM ay bilaabayaan dib ugurasho islamarkaana degmooyinka iyo magaalooyinka ay heystaan lagu wareejin doono maleeshiyaadka dowladda Federaalka.
Waxaa shirka ka qeyb galay wasiirro ka socday Dowladda, Â taliyaasha ciidamada AMISOM ee gobollada dalka Soomaaliya iyo khubaro ka socday Midowga Yurub ayaa diiradda lagu saaray isbedelka dhanka amniga ah ee ka dhici doona Soomaaliya marka lagaaro sanadda 2018.
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/rashid Cabdullahi Maxamed iyo wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Francisco Caetano Madeira, ayaa kala saxiixay qorshahan, waxaana war-murtiyeedka soo baxay lagu sheegay in  in dabayaaqadda sanaddan 2017 cutubkii ugu horreeyay oo AMISOM ka tirsan isaga bixi doono dalka, iyadoo bixitaanka rasmiga ah uu bilaabanayo sanadda 2018-ka.