Khatarta Soomaaliya haysata waa ka qoto-dheer tahay Farmaajo & mucaaradka; kuwaas khaladkoodu waa ifafaale/ symptoms /أعراض المرض/ tusaya in xanuun jiro. Musiibada na haysataa waa weecad bulsho oo baahsan الانحراف على مستوى المجتمع Societal-wide deviation.
Qallooca ku jira bulshada waa mirihii ka dhashay qaran-jabka 30-ka sano jirsadey; waxaana weecadka muujinaya dhaqamada bulshada ku baahay ee dhowrka jiho ka socda, sida: xag-jirnimada diimeed & tan siyaasadeed, bannaysiga dhiigga, beenta sharci ku tumashada iwm.
Hirkii 1-aad (first wave) ee qalloocu galay, bulshadana gelisey waaa kooxda Al Shabaab ee galloocu (الانحراف) uu ka galay dhanka diinta yacni, xag-jiriin noqday oo ku hawl-galay (dil, gaalaysiin & cabsi gelin) — dadkii Soomaaliyeedna ugu yaraan 90% ku khasbay aamus.
Xag-jirnimada ay la yimaadeen Al Shabaab sida is-qarxinta iyo daadinta dhiigga muslimiinta Soomaaliyeed WAXAA KA khatar & SAAMAYN BALLAARAN khasab-ku-hoggaansiga (bullying & taming) bulshadii Soomaaliyeed ee ku suntanaa geesinimada iyo keena-diidnimada;
Saamayn kale oo aan ka khatar yarayn cabsi gelinta — is-dhiibidda keentay — ee ay Al Shabaab keeneen ayaa iyana ah: in meel khalad ah caro lala aado, sida caruurta ay kuwo kale iskuulka ku garaacaan (la bully gareeyo) ayan kuwii diley isaga dhicin ee ay kuwo kale u tumaan.
Hirkii 2aad ee qallooca (kuwaan iyagaa is-geliyey qallooca) kursi jacayl awgiis — waa Farmaajo & N&N oo Al shabaab ka raacay xagjirnimada; Sida kuwa kale ay dadka isaga xjiyaan diinta ay kuwani bilaabeen in ay keligood waddani iska dhigaan, dadka kalana takfiiriyaan!
MURTAD baad tahay-dii ay Al Shabaab oran jireen waxay N&N ku baddaleen waa QARAN-DUMIS treasonous) / waa JAAJUUS! Erayadaas la iskama oran ee waa kuwo lagu xalaalaysto dhiigga (a classical tool of othering, demonizing & dehumanizing others to kill. Nazis & Hutus did it);
Markaad si xeel-dheer ugu dhabbo-gashid sida Soomaali badan [oo dal & dibadba jooga, qabiil kasta leh, culumo & caama leh], ay raalli uga yihiin, ayna ugu ol-olaynayaan sharci-jebin & xadgudib kasta oo Farmaajo & kooxdiisa ay sameeyaan, sidii taageerayaasha Trump oo kele!

Markii aad u fiirsato sida dadka Farmaajo taageersan dalka ha joogaaan ama dibadda ha ku noolaadeene aysan u doonayn maamul ku salaysan dimuqraadiyad, sarraynta sharciga & isla-xisaabtan & CADDAALAD ayna uga go’an tahay in dalka uu Farmaajo ka taliyo jidkuu rabo ha u maree!
Markii aad aragto sida taageerayaasha Farmaajo aysan dan uga lahayn waxa dastuurka ku qoran, ama waxa uu u oggol-yahay madaxda iyo waxa uu ka reebayo, iyo sida ay raalli uga yihiin in Farmaajo uu dastuurka baal maro sida in uu ku darsado intii uu waqti doono sanad, 2 ama 3!

Markaad fahamtid sida IN BADAN oo N&N ah ay ra’yiga uga hormarinayaan runta & sida Af-xumada, been-abuurka, sariig-la’aanta, collaysiga ay uga midaysan yihiin midkooda quraanka xafidsan, kan lawyerka ah, siyaasiga & wiilka yar, waxaad arkaysaa in qalloocu meelo badan galay;
Dadka qalloocu galay & inta cabsi gelin ama aragti-gaabni ku raacay, diktatooriyadda ayay ka door-bidayaan dimuqraadiyadda runta & ra’yiguna waa isugu mid! Soomaali waxaa ku batay dad badan oo aan wejihi karin cidda dhibka ku haysa oo u-sacab tumaya kan u daran;
Af-duubkii ay Al Shabaab bulshada Soomaaliyeed ku haysey 10-kii sano oo la soo dhaafay, intii uu dhali lahaa iska-caabin, waxa uu dhalay koox kale oo carraysan (N&N) balse collaysanaysa kuwii qaranimada Somaaliyeed 20kii sano ee la soo dhaafay u dhabar-adaygeyey!
Sidaas darteed Soomaali waxaa haysta weecad bulsho oo baahsan, xalkuna waa in khatarta sida ay u taallo loo fahmo, lagana shaqeeyo sidii kuwa qalloocu galay ay uga soo noqon lahaayeen xag-jirnimada diimeed & midda siyaasadeed; kuwa fiyowna ay u taxadari lahaayeen
Inta qallooca ka badbaaddey waa in ay ogaadaan in Soomaaliya ay sugeyso dad aragti dheer leh oo weecadka/ qallooca arki kara kuwa ambaday-na gacanta soo qaban kara.
W/Q: C/rashiid Khaliif Xaashi
Madixii hore ee Hay’adda Heritage