Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa qoraal aragti ah oo uu isku difaacayo ku qoray Majallada Mareykanka kasoo baxda ee ‘Foreign policy’.
Qoraalka Farmaajo oo aan aragti cusub ku jirin ayaa ujeedkiisu ahaa inuu iska difaaco magac xumo iyo sharaf dhac ka raacay muddo kororsigii 2-da sano ahaa eeloo sameeyay, wuxuuna eeda oo dhan dusha ka saray dhinacyo kale, halka uu muddo kororsigaasi ku tilmaamay fariiqa kaliya ee looga gudbi lahaa doorashada xulashada ah ee ay afduubka ku heystaan odayaasha iyo madaxda maamul Goboleedyada oo shacabka ka hortagaan inay codkooda wax ku doortaan sida uu ku dooday.
Maxamed Farmaajo oo keligii isu gar dhigtay ayaa maqaalkiisa cinwaan uga dhigay: “Ha igu eedeyn aniga dib u dhaca Doorashada Soomaaliya”, wuxuuna sidii uu hore marar badan u sheegay inay Doorashadii tooska ahaa diideen qaar ka mida Maamul Goboleedyada o ah Puntland iyo Jubbaland.
Wuxuu eedeynta labaad u jeediyey Beesha Caalamka qaarkood oo muddo kororsiga si kale u fasiray, kana hor yimid, sida UN-ka, Mareykanka, UK iyo Midwga Yurub, isagoo u muuqda inuu doonayey inay ku taageeraan muddo kororsiga oo uu sheegay in Baarlamaan xor ah uu u aray danta dalka, laakiin si kale loo dhigay.
“Doorashada Soomaaliya dib uguma dhicin in aan doonayo sii haysashada xukunka, balse waxaa arinkaa sabab u ah khilaaf kala qeybiyay dowladda Federaalka iyo qaar kamid ah dowladaha xubnaha ka ah,” ayuu Farmaajo ku qoray maqaalkiisa.
Wuxuu eedeyn kale jeediyey dad uu ku tilmaamay kuwo gaara ay u doonayaan inay afduub u qabsadaan shacabka oo ay afartii sanaba doorasho xulasho ah u taagan yihiin, wuxuuna is weydiiyay:
“Waxaa la joogaa xilligii ay Beesha Caalamka weydiin lahayd: Maxay tahay sababta ay odayaal beeleed kooban iyo madaxda maamul goboleedyada la haystayaal uga dhigtaan shacabka Soomaaliya afartii sanoba mar? Maxay tahay sababta ay dad kooban u aamusinayaan shacabka malaayiinta ah ee ay sheegaan inay metalaan?”
Madaxweyne Farmaajo ayaa ku dooday in hannaanka doorashada dadban uu yahay midka la haray dimuqraadiyadda Soomaaliya, isla markaana aan sii socon karin. “In heshiis laga gaaro doorashada Soomaaliya ayaa ka dhigan in laga qanciyo dhammaan saamileyda, xilli kasta iyo arrin kastaba” ayuu ku cataabay Farmaajo.
Wuxuu kaloo eed kala dul dhacay siyaasiyiin uu sheegay inay qalalaase ka abuureen caasimadda, isaguna uu Baarlamaanka ka codsaday in lagu noqdo Doorashadii dadbaneyd.
Farmaajo wuxuu rajo ka muujiyay shirka lagu wado in 20-ka bishan looga arrinsado doorashada Soomaaliya, isagoo sheegay in Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu hoggaamin doono hannaanka doorashada.
Farmaajo sooma qaadin inuu dalka gaarsiin waayey, kuna fashilmay qabashada Doorasho aya ahayd inuu ka shaqeeyo afartii sano ee uu sharciyadda heystay iyo sida uu u kala qeybiyey maamul Goboleedyada, labada Aqal ee Baarlamaanka iyo Bulshada Soomaaliyeed, wuxuuna maqaalkiisu u muuqday mid uu isaga fogeynayo guuldarro siyaasadeed oo uu hore u xambaartay markii uu isku dayey inuu kursiga kusii joogo si sharci darro ah sanado kale.
