Saturday, February 27, 2021

Farmaajo Waa Xargo Goostay ee Dalka iyo Dadka Halaga Badbaadiyo (Qormo: Xil. Mahad Salad)

-

- Advertisement -

Farmaajo wuxuu xalay si sharci daro ah oo dhuumaalaysi ah u saxiixay Todoba (7) ka mid ah Sagaalka (9) xubnood ee Golaha Addeegga Garsoorka. Kuwaas oo aan waafaqsanayn Dastuurka Federaalka iyo Sharciga Dhismaha Golaha Adeegga Garsoorka.

Ka sokow in xubnahaas markii horeba aysan soo buuxin shuruudaha xubinnimada ee ku cad Qod. 109A Dastuurka iyo Qod. 6aad ee Sharciga lagu asaasay Golaha Addeegga Garsoorka, haddana waxa sidoo kale la fogeeyay taariikhda xeerkan la saxiixay iyadoo laga dhigayo in muddo hore la saxiixay, maadaaba Farmaajo hada uusan lahayn sharciyad uu xeer ku saxiixi karo oo mudo xileedkiisu dhamaaday. Hadana xeerkani wuxuu ka soo horjeedaa qodobo badan oo Dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka u yaalla ah.

Tusaale ahaan:

1. Xeerkan wuxuu ka soo horjeedaa Qod. 7aad ee Sharciga Dhismaha Golaha Adeegga Garsoorka ee si cad u qeexaya Habraaca Magacaabista Xubnaha Golaha Adeegga Garsoorka. Qodobkan waxaa horay u soo jebiyay Xukuumadii xilgaarsiinta ee Mahdi Guuleed hoggaaminayay.

- Advertisement -

2. Xeerkan wuxuu ka soo horjeedaa Qod. 112aad dastuurka ee si cad u qeexaya in Magacaabidda Guddiyada Madaxbannan Heer Federaal marka Golaha Wasiirrada ansixiyaan ay magacyadooda u gudbinayaan Baarlamaanka Federaalka (labada aqal) si uu u ansixiyo, kadibna waxaa loo gudbinayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka, si uu magacaabistooda xeer uga soo saaro. Iyadana ma dhicin oo Farmaajo ayaa mar kale ka tilaabsaday ansixinta Aqalka Sare!

3. Xeerkan wuxuu ka soo horjeedaa Qod. 85aad Dastuurka ee Dhaqangelidda Sharciyada maadaaba uusan soo marin habraaca sharci-dejinta labada Aqal ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya ee ku xusan qodobkan.

4. Farmaajo wuxuu si bareer ah ugu tuntay Qod. 87aad (2), 90aad (f), 96aad Dastuurka ee xeerinaya in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka uu xilkiisa u gudanaayo si daacad ah oo danta dalka, dadka iyo diintu ku jirto, dhawrayana Dastuurka Qaranka iyo shuruucda kale ee dalka u yaalla.Haddaba, Farmaajo waa soo xargagoostay ee ha loo istaago sidii dalka iyo dadka looga badbaadin lahaa .

W/Q: Hon. Mahad Salad

- Advertisement -

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

MUQDISHO: Wado muhiim ah oo loo xiray Gaari looga shakisan yahay waxyaabaha Qarxa

Cidamad Amniga ayaa xiray Wadadda aada garoonka Diyaaradaha Muqdisho, agagaarka Isgoyska KM 4, kadib markii Gaari hakaasi la dhigay looga shakiyey qarax. Gaariga...

Faahfaahin: Koox Dabley ah oo fal Dil ah ka geysatay magaalada Beledweyne

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa dil maanta ka dhacay xaafada Howl-wadaag ee magaalada Beledweyne. Dilka ayaa waxaa ka danbeyay kooox  dabley ah oo weerar...

Maxaa ka jira in Turkigu Waanwaan ka dhex bilaabayo Dacwadda Badda ee Somaliya iyo Kenya..?

Waxaa soo baxay warar sheegaya in Turkiga uu waanwaan ka dhex bilaabayo Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, taasoo ku saabsan xal u helidda Kiiska Dacwadda...

CIA-da Mareykanka oo kashiftay mas’uulkii bixiyey Amarkii lagu dilay Weriye Jamal Kashoqgi

Sirdoonka Mareykanka ayaa shaaciyey warbixn sir ahayd oo laga qoray dilkii Weriyihii caanka ahaa ee Jamal Kashoqgi oo sanadkii 2018 lagu dilay gudaha Qunsuliyadda...

AKHRISO: Magacyada iyo xilalka hogaamiyeyaasha Alshabab ee Golaha Ammaanka xayiraadda saaray

Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa xayiraad ku soo rogay, kuna daray Liiska Shaqsiyaadka ay saaran tahay cunaqabateynka saddex ka mida hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab. Hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab ee...

Taliye Boolis oo xilkii looga qaaday Dhacdadii Dugsiga Hoyga Xamar iyo mid cusub oo la magacaabay

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Jen. Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa caawa xilkii ka qaaday Taliyihii Qeybta Weliyow-cadde, iyadoo lagu eedeynayo dhacdadii saaka aroortii...

Jubbaland oo Dowladda Federaalka ka dalbatay inay Aqoonsato Saamileyda Siyaasadda [War-saxaafadeed]

Dowlad Gobolleedka Jubaland ayaa soo dhoweysay heshiishkii dhex maray Dowladda Federaalka ah iyo Midowga Murashaxiinta ee xalay lagu saxiixay Magaalada Muqdisho. Jubbaland waxay dowlada Federaalka...

XOGAHA QARSOON

Maxaa ka jira in Turkigu Waanwaan ka dhex bilaabayo Dacwadda Badda ee Somaliya iyo Kenya..?

Waxaa soo baxay warar sheegaya in Turkiga uu waanwaan ka dhex bilaabayo Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, taasoo ku saabsan xal u helidda Kiiska Dacwadda...

Midowga Musharixiinta oo Shuruudo cusub u diray Beesha Caalamka (Hal Qodob oo ku cusub -Akhriso)

Midowga Musharixiinta Madaxweynaha ayaa qoraal ay u direen Wakiilada Beesha Caalamka ku faahfaahiyey mowqifkooda sida xal loogu helo karo khilaafka ka tagaan fulinta Doorashada...

Maxaa iska bedelay Maxamed Xuseen Rooble..? (Warbixin Kulanka maanta dhex maraya Mucaaradka)

Waxaa maanta lagu wadaa inuu kulankii ugu horeeyay magaalada Muqdisho ku dhex maro Ra'iisal wasaaraha xilka sii haya Maxamed Xuseen Rooble iyo midowga musharraxiinta...

XOG: Rajada Waanwaanta laga dhex wado Rooble iyo Musharixiinta Mucaaradka (3 Qodob oo lagu xiray)

Waxaa si weyn u xoogeystay dadaal ay wadaan ergo wakiil ka ah Ra'iisal wasaaraha xukuumadda xilka sii heysa Maxamed Xuseen Rooble oo lagu doonayo...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you

error: Content is protected !!