Gabadha Muslim-Biritsh ah kuna caan baxday xayeysiinta oo ka baxay Barnaamij xayeysiin Caalami ah

0

Gabadh muslimad oo u dhalatay dalka Britain islamarkana waxyaabaha la isku qurxiyo ku xayaysiiso baraha internet-ka Amena Khan ayaa shaacisay in ay isaga baxday ololaha L’Oreal.

Gabadhan ayaa lagu waday in ay ka qayb qaadato olola lagu xayaysiino waxyaabaha jirka lagu qurxiyo gaar ahaan timaha. Qoraal ay soo dhigtay barta Instagram ayaa waxay ku sheegtay in ay isaga baxayso ololahaasi xayaysiinta “sababtoo ah waxyaabaha imika la hadal hayo ee ku saabsan ololaha”.

Go’aankeeda ayaa ka dambeeyay ka dib markii la helay qoraalo ay 2014,soo dhigtay Twetter-ka taasi oo la sheegay in uu ka dhan ahaa Israa’iil. Waxayna qoraalkaasi ku cambaareysay weerarkii israa’iil ay ku qaaday Marinka Gaza oo lagu laayay 2250 Falastiiniyiin ah.

L'Oreal's first hijabi model quits over 'anti-Israel' tweets

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa maalmo uu kadib markii  ay sheegtay in ay ku faraxsan tahay in ay noqoto gabadhii ugu horreysay oo iyada oo xiran xijaabka qayb ka noqota xayaysiis nafaqada timaha.

Qoraal ay soo dhigtay barta Instagram ayay ku tiri: “waxa aan dhawaan ka qayb qaatay olole , kaasi oo aad uga farxay sababtoo ah waxa uu ahaa mid ka turjumaya in loo dhan yahay.”

Amena Khan ayaa lagu eedeeyay 2014 in ay tweeter-ka soo dhigty dhowr qoraal oo ay Israa’iil ku cambaareynayso. Qoraaladaasi ayaa laga saaray oo halkaasi laga tiray.

Amena ayaa raaligalin ka bixisay qoraaladaasi waxa ayna sheegtay in aysan doonayn in cidna ay qalbi ahaan dhaawac u gaysato. Amena ayaa rajaynaysay in ka qaybgasho ololahani oo ku dhiiri galin lahaa haweenka kale ee xirta xijaabka.