Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Daah-furay Qaamuuska Eray bixinta Doorashooyinka [Sawirro]

0

Waxaa maanta la daahfuray Istiraatiijiyadda Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka shanta sano soo socota oo qeexeysa Doorasho qof iyo cod ah sanadka 2020 k dhacda Soomaaliya.

Waxaa munaasabadda oo lagu soo bandhigay Qaamuuska eray bixinta doorashooyinka Somaaliya igoobjoog ka ahaa Wasiirka Qorsheynta Jamaal Maxamed Xasan, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed, xubnaha Guddiga madaxabanana ee Doorashooyinka iyo wakiilo ka socday Beesha caalamka iyo madaxda Xisbiyada siyaasadda.

Guddoomiyaha Guddiga madaxa baanaan ee doorashooyinka qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) ayaa sheegtay in Qaamuuska ay soo bandhigeen uu shacabka Somaaliyeed u fududeynayo fahamka doorashooyinka.

“Anaga doorasho waxaa noogu dambeysay 47-sano kahor ,mudadaas 47-da sano ah ayuuna aduunku isii badalayaa taas ayaa nagu qasabtay inaa tarjunno luqadda doorashooyinka waxayna arintaan fursad u tahay dadka Soomaaliyeed inaysan ku dhibtoon doorashada aan arajeneyno inaan hirgalino sanadka 2020 taasi oo ah doorasho qof iyo cod, xor iyo xalaal ah”

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho mudane Thaabit Cabdi Maxamed oo goobta ka hadlay ayaa balanqaaday in ka maamul ahaan ay gacan ka geysanayaan hirgelinta doorasho qof iyo cod ah marka la gaaro sanadka 2020.

Wasiirka Wasaardda Qorheynta Dowladda federaalka Jamaal Maxamed Xasan oo munaasabadda ka hadlay ayaa yiri: “Guddiga doorahooyinka qaranka waxaan idin kaga mahadcelinayaa sidaa istiraajiyadiina u waafajiseen qorshaha hormarinta qaranka iyo dastuurka dalka ,marka waa muhiim in qorshahaan la hirgaliyo”

Xildhibaan Fowsiyo Yuusuf  Xaaji Aadan oo sidoo kale katirsan xubnihii kasocday axsaabta siysaasadeed, kana mid xildhibannada ayaa ugu baaqday shacabka inay ka qeyb qaataan dadaallada uu Guddiga madax banaan ee doorashooyinka Qaranka ugu jiro hirgalinta doorasho qof iyo cod ah inay qabsoonto sanadka 2020.