Guddiga Gurmadka Qarab ee abaaraha ayaa qorsheynaya inuu qeybtii labaad ee kaalmo lacageed ah u qeybiyo maamulada dalka.
Guddigan oo lacago fara badan ay u soo direen Soomaali iyo dalal shisheeye ayaa xubno ka mida ay sheegeen inay u qorsheyeen degaano aan hore loo gaarsiin deeq lacageed qeybtii hore ee guddigu maamul goboleedyada dalka u qeybiyay min 150-kun oo doolar.
Wejiga labaad lacagaha uu guddigu u dirayo maamulada dalka ayaa noqoneysa sida hoos ku qoran:
1. Galmudug    $150,000
2. Hirshabeelle  $150.000
4. K/Galbeed    $150.000
5. Jubbaland    $150,000
6. G/Banaadir   $100.000
7. Somaliland   $200.000
8. Sool &Â Sanaag $100.000
9. Puntland     $150,000
Siyaasadda Guddiga Qaran ee abaaraha ayaa dad badan sheegeen inay tahay mid aan fulin fiican heysan, iyadoo lacagihii hore loogu qeybiyay maamul Goboleedyada ay qeylo dhaan kasoo noqotay.
PUNTLAND
Puntland ayaa lagu dhaliilay in lacagihii Guddiga siiday inay gaadiid ku iibiyeen iyadoo ay jireen dad degdeg ugu baahnaa in la gaarsiiyo gargaar.
GALMUDUG
Qeylo dhaan aya ka soo yeertay degaanada ay Ahl suna gacanta ku heyso ee aanay gaarin maamulka Galmudug. halka degmooyin kamida  Galgaduud ay sheegeen inaysan waxba ka soo gaarin lacagihii Guddiga abaaraha.
K/GALBEED
Waxaa la soo weriyey in la lunsaday lacagihii degmootynka qaar oo dad mas’uuliyiin ah loo xiray iyadoo warbixin rasmi ah laga helin.
HIRSHABEELLE
Degmooyinka qaar ayaa caddeeyay in lacagihii guddiga abaaraha laga lunsaday, waxaana dhowaan madaxweynaha maamulkaasi kala diray Guddigii hore ee abaaraha isagoo magacaabay Guddi cusub.
Arrimahan oo dhan waxay muujinayaan in guddiga Qaran ee abaaraha uu lacagta yabooha lagu keeno u dhiibo maamul goboleedyada  oo qaabka ay wax u maamulaan shaki badan ka taagan yahay.
Goobjooge.com