Tuesday, July 29, 2025

Guddoomiyaha Yaaqshiid: “Waxaan ka badbaaday isku day Dil oo la igu khaarajin lahaa”.

-

Alxamdulilaah Calaa Kuli Xaal

Waxaan xalay ka badbaaday isku day dil oo la doonaayey in la igu qaarajiyo.

Xalay Maqribkii kadib ayaan ka soo baxay isbitaalka Jasiira oo aan ku booqanay ciyaariyahan Degamada Yaaqshiid kamid ah oo ku dhaawacmay ciyaartii shalay galab ka dhacday Muqdisho Stadium (Isbartiibo), waxaan soo aadnay dhanka siinaay, waxaana istaagnay kontaroolka isgoyska siinaay si na loo hubiyo.

Waxaa noo yimid oo albaabka gaariga laga furay askari koontaroolka joogay oo hubiyay kaarkeyga iyo inaan aniga saaranahay gaariga, intaas kadib askariga ayaa nagu dhahay taliyaha Nisa ee kontaroolka ayan u sheegaahe ii suga, wax yar markuu naga maqan yahay askariga, ayaan dareewalkeyga ku dhahay sxb bal u tag ragga, dareewalka ayaana baxay iyadoo uu albaabka gaariga furanyahay wuxuuna u tagay taliyaha iyo ciidankiisa oo xoogaa inoo jiray markuu soo laabtay balse uusan na soo gaarin ayaan halmar maqalnay jug culus iyo firir dhiig naga wada dhigay, xabado iyo qoriga dhashiikaha oo si darandoori ah u dhacaya, yar shirka saarnaay ayaa degdeg irida u xiray waxaana muddo nagu socday saban iyo dhashiike darandoori ah, hal mar ayey i suurtogashay inaan albaabka dambe furo si aan xaalka u qiimeeyo halkii marna xabado kale ayaa noo soo galay gudaha balse dhowr mar oo aan isku dayey inan gaariga ka dago waxaa i celiyay saxibadey oo iga dhaawac cuslaa, Alle ka sakow iyagaa ku mahadsan.

Intaas kadib Ciidamada kontaroolka waxey si bareer ah u toogteen laba askarteyda kamid ah oo is dhiibay intii ay xabadu nagu socotay. Waxey isku dayeen iney daaqada gaarigeyga xoog ku furaan si ay noo waxyeeleeyaan. Waxeyna afarta dhinac u ridaayeen qoriga sabanka (RPG) oo markii dambe sababay gubashada gaadiid shacab oo marayey dhanka kale ee isgoyska siinaay (Yaaqshiid & Warta Nabada).

Dadkii ku geeriyooday weerarkaas gardarada ah waxey ku jiraan filinjiyeer mana la aasi doono ilaa iyo inta ay cadaalada ka helayaan.

Waxaan ehalka asxaabta iyo dhamaan dadka somaliyeed uga tacsiyeynayaa dhimashada iyo dhaawac ka dhashay weerarkii arxan darada ahaa oo ay igu bartilmaameedsadeen ciidamo fadhiyay isgoyska Siinaay, anaga oo taagan kontaroolka una hogaansannay nidaamka hubinta amniga.

Waxaan u duceynayaa oo aan caafimaad taam ah u rajeynayaa dhamaan dadkii ku waxyeeloobay weerarkii shirqoolka ahaa iyo saaxiibadii ila dhaawacmay. Sidoo kale Allah u naxariisto wiilasha iga shahiiday & shacabkii sida dulmiga ah loo xasuuqay.

Allaa Mahad leh.

W/Q: Guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid
Suleymaan Maxamuud Fargax

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Puntland oo beenisay inay ciidankeeda qabsadeen Markabka Hubka sida ee MV Sea World, baaqna u dirtay DFS iyo Turkiga

Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa war cusub kasoo saaray markabkii hubka siday ee MV Sea World, iyadoo shaacisay inuu markabkaas weli ku socdo baaritaan. War-saxaafadeedka oo...

Fahad Yaasiin oo Siciid Deni ku dhaliilay Markabka Hubka ee Puntland qabsatay, lana saftay Dowladda Federaalka

Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan markabka hubka sida ciidamada Puntland ay qabsadeen, kaasoo xiisad cusub...

Dowladda Somaliya oo Digniin u dirtay Puntland, kana dalbatay inay sii deyso Markabka hubka ee ay qabsatay

Dawladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay Markabka ay qabsatay Puntland, waxaana warsaaxafadeed kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta DFS lagu sheegay in markabka hubka...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun...

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

Faahfaah: Qarax is-miidaamin ah oo Shabaab ku qaaday Moqokori iyo Hoggaamiye lagu dilay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo ay sheegatay Alshabaab. Qaraxa ayaa loo...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you