Ka sokow iney tahay Maalinta Shaqaalaha Adduunka, 1-da May waxay maanta kaddib ku summadeysnaan doontaa Maalinta Dibu Soo Nooleynta Dimoqraadiyadda Soomaaliya.
Kaddib muddo kororsigii sharci darrada ahaa ee 12 April, shacabka Soomaaliyeed waxay si aan kala har laheyn uga dhiidhiyeen boobka xukunka iyo soo laba kacleynta kalitalisnimada.
Isa soo dhiibidda madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday, mudane Mohamed Abdullahi Farmaajo waxay ka dhigan tahay:
1. Inuu guuleystay halgankii adkaa ee Madasha Badbaado Qaran iyo shacabka xaq u dirirka ah ee Muqdisho
2. Inuusan qof dambe kusoo saqajaami doonin boobka xukunka iyo nidaamka kalitalisnimada
3. In laga baaqsaday colaad dhibaato weyn u geysan laheyd dalka iyo dadka
4. In hannaankii dimoqraadiga ahaa ee dalku ku socday 20-kii sano ee lasoo dhaafay dib loogu laaban doono, xoogaaga dhaawaca ah ee soo gaarayna la dhayi doono
Waxaas oo dhan waa haddii uu mudane Farmaajo saxiixo warqad uu si rasmi ah ugu wareejinayo masuuliyadda amniga iyo midda doorashada R/Wasaare Mohamed Hussein Roble

W/Q: C/raxman Ceynte
Wasiirkii hore ee Qorsheynta