Friday, August 15, 2025

Hagaajinta sumcadda iyo ixtiraamka Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble (Qormo)

-

Waxaa aad loo dhalliilay doorka RW Roble ka qaatay ilaalinta xuquuqda Xubnaha Midowga Musharrixiinta Xilka Madaxweynaha u lahaayeen inay sameeyaan bannanbax nabad ah oo usbuuc ka hor lagu dhawaaqay.

Waxaa dastuurka ku cad inaan xukuumadda federaalka looga baahneyn fasax si loo qabto bannaanbax. Waxaase dhici karta dad wax ma garato ah ama fidno wadayaal ah ama daneystayaal ah ay siiyeen RW Roble talo qaldan ama waxaa dhici karta in RW Roble ku fashilmay inuu kala ilaaliyo, kala sooco Xilka Xukuumadda xilgaarsiinta ah iyo faragelinta iyo xadgudubyada Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday farmaajo.

Waa dulmi weyn in dowladda federaalka sameysato bannaanbaxyo lagu taagerayo, lagu ammaanayo, isla markaana xoog ku hor istaagto bannaanbaxa mucaaradka, taaso khilaafsan dastuurka, xaqa iyo sinnaanta siyaasadeed ee muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Weerarka Xukuumadda federaalka u adeegsaday hubka culus, dabaabadaha, iyo qalabka kale ee ciidanka Xoogga dalka wuxuu dadka iyo dalka Soomaaliyeed u soo jiiday magacxumo, dhaleeceeyn, iyo kalsooni darro.

Xilka Xukuumadda wuxuu ahaa taagerada habsami u dhaca bannaanbaxa iyo ilaalinta guud ee nabadda. Waxaa Midowga Musharrixiinta faafiyeen barnaamijka bannaanbaxa, saacadda uu bilaabmayo iyo saacadda uu dhammaanayo, iyo mas’uuliiyinta hadlaysa. Waxaa la sheegay in bannaanbaxa lagu qabanayo goob dadweyne (public space) oo dowladda ku qabato bannaanbaaxyada, taaso xaq u siineysa mucaaradka inay ku qabsadaan bannaanbaxooda. Daljirka Dahsoon waa goob dadweyne.

Waxaa la yaab lahaa sida xukuumadda isugu dhexyaacday markii Midowga Musharrixiinta ku dhawaaqeen bannaanbaxa, taaso xiiso, ahmiyad , iidheh, iyo guul u noqotay bannaanbaxa qabashadiisa ka hor.

Waxaa intaas soo raacay weerarka saqda dhexe lagu qaaday hotelka Maa’ida ee ay degganaayeen 2 Madaxweyne hore iyo guddoomiye hore barlamaan iyo la dagaalanka xooggaagii sugayay Ammaanka goobta bannaanbaxa iyo la wareegidda goobta, si loo hor istaago bannaanbaxa, waxaana weerarkaas ka dhashay dhimasho iyo dhaawac ay Xukuumadda federaalka mas’uul ka tahay.

Waa dambi qarameed RW Roble qorta ugu jira inkastoo la wada og yahay in Madaxweyne hore Farmajo mas’uul ka yahay dhibaatada dhacday.
Isla marka waxaa subixii lagu weeraray KM4 xubno kale ee ka mid ahaa Midowga Musharrixiinta Xilka Madaxweynaha, dhacdaasoo dibedda iyo gudaha laga daawanayay.

Dhacdadaas waxay beenisay warkii RW Roble ka jeediyay idaacadaha ee uu ku sheegay in dagaalkii saqda dhexe ka dhashay weerar ay soo qaadeen koox hubeysan ee maleeshiyad ah.
Nasiib darro, RW Roble asagoo ogsoon xaaladda nabadgelyo xumo iyo khatarka joogtada ah ee argagixisada dowladda federaalka u taagweysay ayuu idaacadaha ka sheegay in Xubnaha Midowga Musharrixiinta aysan xaq u kaheyn ciidammo gaar u ah ee ilaaliya nabadgelyada naftooda iyo goobaha ay ku kulmayaan, ayadoo la rabay in Xukuumadda federaalka ku taagerto kuna ammaanto is ilaalintooda iyo isku fillaanshahooda.

Madaxweynaha iyo RW ayaa lagu aamini waayay ilaalinta ciidanka Soomaaliyeed oo loo baahday ciidan ka socda dalalka Afrika oo Golaha Ammaanka soo ansixiyay.

Hadalka RW Roble ma aheyn mid munaasib ku ahaa musiibada dhacday saqdii dhexe ee 18-19 Febraayo iyo subixii jimcaha 19 Febraayo 2021. Muwaadiniinta soomaaliyeed waxay xaq u leeyihiin inay adeegsadaan ilaalo gaar ah (Private security) ama ilaalo ay ku kalsoon yihiin oo ehelkooda ah. Waxaa intaa dheer, xaaladda dagaalka sokeeye iyo dagaalka argagixisada al Shabab darted, Madaxdii hore, Xildhibannada BF iyo mas’uuliinta soo qabatay xilal Sare sida saraakiisha Ciidammada waxay xaq u leeyihiin ciidammo dowladda federaalka mushaar siiso ayadoo la tixgelinayo duruufaha dalku marayo.

Waa dulmi, marin habaahin, iyo mas’uuliyad darro in RW Roble ku andacoodo in bannaanbaxa ay soo qabanqaabiyeen ciidammo dowladeed ee hubeysan asagoo ogsoon cidda ku dhawaaqay bannaanbaxa iyo barnaamijka bannaanbaxa oo idaacadaha laga siidaayay.

Talada la gudboon RW Roble waxay tahay inuu saxo hadalka taarikh xumada ku ah asaga iyo inta wanaagga la jecel, kuna dadaalo inuu maro dhabbaha waafaqsan dastuurka kmg iyo garashada wanaagsan, cidna ka oggolaan in maalin cad karaamada laga qaado.

W/Q: Dr. Maxamud M. Culusow

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Natiijada Imtixaanka Dowladda Fasalka 8aad ee Dugsiyada G/Banaadir 2025 (Halkan ka Akhriso)

Maamulka Gobolka Banaadir, Qeybtiisa Agaasinka Waxbarashada Gobolka ayaa maanta shaaciyay Natiijada imtixaanka Fasalka 8-aad ee sanad Dugsiyeedka 2024/2025.Imtixaankii Fasalka 8aad ee dugsiyada Gobolka Banaadir...

Puntland oo beenisay inay ciidankeeda qabsadeen Markabka Hubka sida ee MV Sea World, baaqna u dirtay DFS iyo Turkiga

Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa war cusub kasoo saaray markabkii hubka siday ee MV Sea World, iyadoo shaacisay inuu markabkaas weli ku socdo baaritaan. War-saxaafadeedka oo...

Fahad Yaasiin oo Siciid Deni ku dhaliilay Markabka Hubka ee Puntland qabsatay, lana saftay Dowladda Federaalka

Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan markabka hubka sida ciidamada Puntland ay qabsadeen, kaasoo xiisad cusub...

Dowladda Somaliya oo Digniin u dirtay Puntland, kana dalbatay inay sii deyso Markabka hubka ee ay qabsatay

Dawladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay Markabka ay qabsatay Puntland, waxaana warsaaxafadeed kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta DFS lagu sheegay in markabka hubka...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun...

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you