Dowladda uu hogaamiyo madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo waxey 11 cisho kadib u dabaal daggi doontaa jiritaankeedda muddo sanad ah, boorar ka turjumaaya 8 febraayo oo ay wehliyaan sawirka madaxweynaha iyo ereyo amaan ah ayaa laggu tixay jidadka Muqdisho.
Farmaajo waa hogaamiye daacad ah, balse dadka qaar ayaa shaki galiya fahamkiisa siyaasiga ah, sanadkisii koowaad kama fiicneyn sanadkii koowaad ee Ex-Madaxweyne Xasan Shiikh, tiiyoo ay jiraan khaladaad badan oo ka dhacay maamulkiisa oo uu Xasan Shiikh ka badbaaday.
Kooxdda la shaqeysa madaxweyne Farmaajo waxey u badan yihiin dad ku cusub siyaasadda, qaarkood waxaa lagga dheehan karaa iney dhowr jeer jilaafooyin qaldan madaxweynaha u dhigeen.
Sanadkii koowaad ee kacaanka Nabad iyo Nolol wax weyn oo dhanka wanaagsan ah oo la taaban karo ma dhicin, safaro dibabadda iyo gudaha ah, heshiisyo dalal kale lala soo galay, Xil ka qaadis iyo magaacabis, dhagax dhigga goobo la dhisi doonno, qaraxyo, xafladdo aan xad laheyn, iidheh siyaasadeed, maxaabis Itoobiya laga soo daayay, muwaadin Itoobiya loo dhiibay, siyaasiyiin guryahoodda lagu weeraray, xarig iyo caga jugleyn iyo dagaal ka dhan ah maamul goboleedyadda wax ka badan ma jirin sanadkii koowaad ee madaxweyne Farmaajo.
Sanadka koowaad ee madaxweyne Farmaajo wuxuu kagga duwan yahay sanadkii koowaad ee Xasan Shiikh maxaabiista laga soo daayay Itoobiya, iidhehda siyaasadda, weerarka siyaasiyiinta, xafladaha joogtadda ah, muwaadinka loo dhiibay Itoobiya iyo isticmaalka awoodda dheeriga ah.
Indha sarcaadku qeyb kama aha siyaasadda, waxaa muhiim in madaxweyne Farmaajo uu sanadkaan wajaho waxyaabaha muhiimka ah ee aan wali la taaban intii uu xafiiska joogay sidda Arimaha dastuurka, dib u heshiisiinta, la dagaalanka Al Shabaab, Muranka badda ee Kenya iyo Somalia, Maqaamka Caasimadda, wada hadaladda Somaliland iyo Gidaarka ay Kenya ka dhiseyso xadka ay la wadaagto Somalia oo la sheegayo iney 700 oo guri ooteen.
Dowladeennu waa iney wajahdaa runta oo aan lasii wadin indha sarcaadka, waa inaan wax ka baranaa qaladaadka, waa in uu madaxweyne Farmaajo turxaan bixin ku sameeyaa kooxdda la shaqeysa oo qaar ay u muuqdaan kuwo cimri deg deg ku ridaya taliskiisa, waa inuu madaxweynuhu miisaamaa waqtiga u haray iyo waxa horyaala oo aan dadka laggu maa weelin halku dhiga ‘Markii uggu horeysay’.
Waxaa Qoray: Cabdulaahi Cismaan Faarax
[email protected]