Sunday, June 22, 2025
HomeCaalamkaItoobiya oo xarun Weyn u bedeshay Isbitaal lagu daweynayo Dadka qaba cudurka...

Itoobiya oo xarun Weyn u bedeshay Isbitaal lagu daweynayo Dadka qaba cudurka Coronavirus (Sawirro)

-

- Advertisement -

Itoobiya ayaa dhistay isbitaal weyn oo lagu daweyn doono dadka qaba cudurka Covid-19, iyadoo xaruntii Bandhigyada ee Addis ababa loo bedelay Isbitaal weyn oo boqolaal sariirood qaada.

Xaruntii Millenium Hall ee shirarka waaweyn iyo bandhiyada caalamiga ah lagu qaban jiray ee magaalada Addis ababa ayaa loo bedelay Isbitaal weyn, iyadoo si weyn loo qalabeeyay. loona diyaariyey in lagu daweeyo bukaannada qaba cudurka Coronavirus. Xaruntaasi waxaa maanta booqday Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

- Advertisement -

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya ayaa ku bogaadiyey howl-wadeennada caafimaadka Itoobiya sida degdegta leh ee ay hoolkaasi ugu bedeleen Isbitaalka, isagoo sheegay in xaalad kasta oo degdeg ah loo diyaar garoobi doono.