Jeneraal Badmaceeye oo Aas Qaran loogu sameeyay Magaalada Muqdisho [Sawirro]

0

Madax ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa ka qeyb galay aas qaran oo loo sameeyay Allaha u naxariistee Gen. Maxamed Sheekh Cismaan (Badmaceeye)  oo maanta dalka keenay lagu aasay magaalada Muqdisho.

Xubno uu horkacayo Ra’iisul Wasaaraha Wasaaraha Xukuumadda Xasan Cali Khayre, Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Wasiir ku xigeenka gaadiidka Dekadaha, Guddoomiyaha gobolka Banaadir, Saraakiil iyo Siyaasiyiin caan ah ayaa ka qeyb galay salaadda Janaasada ee Marxuum Gen. Maxamed Sheekh Cismaan (Badmaceeye) oo meydkiisa laga keenay dalka Mareykanka.

Ra’iisal Wasaare Kheyre ayaa jeneraalka ku tilmaamay inuu ahaa shaqsi qiimo weyn ku dhex lahaa Ciidanka Xoogga iyo guud ahaan-ba dalka. Waxaanu yiri “Marxuum Jen. Maxamed Sheekh Cismaan (Badmaceeye) ILLAAHAY (SWT) ha u naxariisto, wuxuu ahaa nin weyn oo dalka iyo dadkaba qiimo ugu fadhiyay, Ehelkii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday iyo kuligeen-ba ILLAAHAY (SWT) Samir iyo iimaan haka siiyo”.

SAWIRRO