Friday, July 11, 2025

Jibriil mise Juuni dollar ah ! [Qormo kooban]

-

Jibriil Ibraahim Cabdulle, madaxa hay’adda Cilmi-baarisa iyo wadatashiga ee CRD, wuxuu ka mid yahay musharrixiinta

u taagan xilka Madaxweynenimada Soomaaliya. Haddaba dad badan ayaa waxay isweydiin karaan waa kuma Jibriil Ibraahim Cabdulle?

Waa aqoonyahan edeb badan, qunyar socod ah, kana tirsan bulshada rayidka ah , raadadkiisa wax qabadna dadka badankiis arkaan waana tan ay ugu riyaaqeen hamhamta musharraxnimadiisa aan weli la shaacin.

Inta iiga aqoon badani waxa ay ku sifeeyaan Md Jibril Macallin Ibrahim Abdulle shaqsi karti badan, Leh mawhiba hogaamineed , Hadal yaqaan taxadar badan, Geesi ku fiican Go’aan qaadashada, Galaangal u leh qeybaha kala duwan ee Mujtamaca , Khibrad iyo waaya aragnimo ku filan u leh la tacaalidda mushkiladaha ku gaamuray dalka iyo dadka Somaliyeed, Ballamada ku fiican oo aan Ballan-fur aqoonin, Cilaaqaadkiiisa dibadeedna waa mid lagu cowryo!!

In badan oo aan la sheekeystay waxa ay ii muujiyeen in la joogo xilligii Md Jibriil iyo kuwa la jaadka ah ee maskax- maalka ehi hogaanka talada loo igman lahaa .

Lkn waxa ay shakki ka muujiyeen dhaqammada sanadahaan ee jawaanada dollarka ah Lagu xaraashayo duqowda, d’ayarta iyo qeybaha kale ee bulshada taas oo loo arko caqabada ugu adag ee horgudban soo ifbixidda kaaha kawaadir wax ku ool ah oo dalka ka saarta silica iyo saxariirta siyaasadeed, dhaqaale , dhaqan iyo diimeed.

Qalinkii: Wariye Cabdullaahi Khadar

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Taliyaha Ciidamada Uganda oo Mareykanka ugu hanjabay inay Ciidamadooda kala baxayaan Somaliya

Taliyaha Ciidamada Difaaca dalka Uganda, General Muhoozi Kainerugaba, oo ah wiil uu dhalay madaxweynaha dalkaasi Yoweri Musaveni ayaa ku hanjabay inay Uganda ciidamadeeda kala...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun...

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

Faahfaah: Qarax is-miidaamin ah oo Shabaab ku qaaday Moqokori iyo Hoggaamiye lagu dilay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo ay sheegatay Alshabaab. Qaraxa ayaa loo...

Dagaalkii Siyaasadeed Xasan Sheekh iyo Siciid Deni oo gaaray Gobolka Sanaag iyo Xiisad ka taagan

Gobolka Sanaag ayaa galay xaalad cusub, iyadoo ay ka socdaan dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed iyo olole lagu doonayo in degaanada Sanaag ku biiraan maamulka SSC-Khaatumo.Guddoomiyihii hore...

Shirkii Madaxweyne Xasan iyo Madasha Mucaaradka oo la isku mari waayay (ma burburay mise..?)

kulankii labaad shirka Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madasha Samata-bixinta Mucaaradka ayaa maanta ka dhacay xarunta Madaxtooyada ee Villa Somaliya.War kooban oo kasoo baxay...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you