Wararka laga helayo Gobolka Shabeelada Hoose ayaa sheegaya in isku socodkii magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhaba uu kala go’ ku yimid.
Maleeshiyo Alshabaab ka tirsan oo boqolaal ah ayaa lagu arkay degaanka Leego oo ay xalay ka baxeen ciidamadii AMISOM, waxaana dadka degaanka ay soo sheegeen in maleeshiyadii ugu badneyd oo Alshabaab ka tirsan ay degaankaasi isugu tageen.
Saraakiisha Alshabaab ayaa la sheegay inay dadka degaankaasi ku haray ay isugu yeereen iyagoo khudbad u jeediyay, isla markaana u dabaaldegay dib u qabsashada Leego oo AMISOM ay ka baxday.
Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in ciidamo Itoobiyaan ah ay ku sii jeedaan halkaasi si ay saldhig uga sameystaan.
Goobjooge