Doorashada 2016 oo marar badan dib udhacay ayaa u muuqata inay hareeyeen qorshooyin iyo gacmo fara badan oo qabsoomideedda ka dhigeysa mid mugdi badan ku jiro.
Arrinta haweenka iyo qoondada laga siinayo labada aqal ee Baarlamaanka ayaa si weyn u soo shaac baxday iyadoo ay riixayaan wakiilada Beesha Caalamka, siiba Qaramada Midoobay iyo AMISOM.
Doorashooyinkii hore arrinta haweenka waxay ahayd mid ay awood u leeyihiin odayaasha iyo ergada xildhibaanada soo xuleysa inay go’aan ka gaaraan, laakiin waxaa doorashadan ka muuqata in Doorashada lafteeda ay ka muhiimsan tahay in  qoondada haweenka ee 30% ah la xaqiijiyo.
Kacdoonka haweenka waxaa hogaanka u haya xafiiska siyaasadda UNSOM iyo AMISOM, waxaana si weyn looga dhaadhiciyay oo ku daba galay Guddiga  Doorashooyinka Dadban oo aamisan in lacagta lagu siiyo inay xaqiijiyaan arrintan.
Xilli dib ugu dhicii saddexaad uu dhacay oo la fulin waayay in 10-ka bisgan Oktoobar oo ay kuy beegneyd doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka in liisaskii musharixiinta Aqalka Sare lagu celiyo saddex maamul goboleed waxay ahayd arrin la yaab leh oo caddeyn u ah in qoondada haweenka ay ka muhiimsan tahay Doorashada lafteeda.
Waxaa kaloo la yaab leh in Beesha caalamka ay War-saxaafadeed kasoo saarto arrimaha haweenka ayna dalbato in la raaco qoondada haweenka iyadoo aan soo qaadin jadwalka mar kale dib u dhacay wuxuu muujinayaa in dan badan aan laga lahayn dib u dhaca doorashada.
Guddiga Doorashada dadban waxaa qasab ku noqon doonta inay mar kale dib u dhigaan Doorashadii labada Aqa ee Baarlamaanka iyo tan madaxweynaha, haddiiba ay shaqadooda ugu weyn noqotay xaqiijinta arrinta qoondada haweenka.
Goobjooge.com