Sunday, July 13, 2025

Kumaandooskii ugu horeeyay ee Turkigu soo tababaray oo lagu soo Bandhigay Muqdisho.. (Sawirro)

Ciidamadii ug horeeyay ee kumaandoos ah oo soo tababareen Turkiga ayaa qalin jebiyay, iyadoo xafladii qalin jebintooda uu ka qeyb galay Ra’’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre.

Ururka koowaad ee Gorogor, ciidamada DANAB ee Turkigu tababarreen oo tiradoodu gaareyso 330 askari, qeybna ka ah shan kun oo ciidan ah oo dawladda Soomaaliya ay kula heshiisay in dawladda ay Turkigu ay u tababarto ayaa soo dhammeystay tababarkooda ay ku qaateen xerada Turk-Som iyo Turkiga , iyadoo loo dhameystiray qalabkii ay ku howl geli lahaayeen ee hubka iyo saanadda.

Image may contain: 5 people

Ra’iisul Wasaaraha oo uga mahad-celiyay dawladda Turkiga Tababarka ciidanka, ayaa u hambalyeeyay ciidamada qalin jebiyay ee uu tababarka usoo xiray, isaga oo u rajeeyay in ay noqdaan kuwii dalka ka xureeya cadawga soona celiya sharafta iyo karaamada umadda Soomaaliyeed.

Tababarka ciidanka oo qayb ka ah halbeegyada tubta amniga iyo cadaaladda ayaa sidoo kale ku jira qorsha dawladdu ay ku dhisayso ciidanka xoogga dalka, si mas’uuliyadda amaanka dalka loogu wareejiyo ciidanka Soomaaliyeed.

Image may contain: one or more people and outdoor
Image may contain: one or more people and people standing

WARARKII UGU DANBEEYAY

TOOSHKA GOOBJOOGEXOGAHA
LAGUU SOO XULAY