Friday, July 11, 2025

Kursigaada Difaaco ama iiga-kac Kursiga: Jaalle Siyaad-eyn & Kacaan (Qormo kulul & Dr. Xasan Sheikh)

-

Waxaa taariikhda Soomaalida laga soo wariyay in aay jiri-jireen farsamooyin iyo xeelado farabadan oo bulshada lagu kala qeybiyo, si kala qeybsanaantaas dhexdeeda looga raadiyo faa’iido siyaasadeed.

Aragtidaas guracani waxay daaran-tahay ama salka la gashaa dhaxalkii gumeeysiga ee udub-dhexaadkiisu ahaa “QEYBI OO XUKUN”, ama qoryaha iskugu dhiig si aay iskugu dhiig-baxaan.

Aragtidaani gumeeysiga laga soo minguuriyay ayaa sifiican uga shaqayn jirtay gayiga Soomaaliya. Kuwii gumaystuhu barbaariyay ayaa umada Soomaaliyeed u qeybiyay Kacaan iyo Kacaan-diid.

Kuwa ku suntan Kacaan-diidka kolka xil loo magacaabo si aay xilka u sii haystaan ama kuraasta ugu sii fadhiyaan waxaa jiray SHARDI AMA SHURUUD lagu xiraayo in uu fuliyo, hadii kale waxaa loogu hanjabi-jiray in masuulkaasi xilkaas awalba macmalka ahaa waayi-doono.

Shardigaas ama shuruudaas waxaa ka mid ahaa in xilhaayuhu sida caruurta ku hadaaqo: Kooxdaasi waa Qaran-dumis, kuwaasi waa gumeeysi kalkaal, hebel iyo hebelna waa gumeeysi kalkaal.

Waxaan hubaa in aay wali nool yihiin dad Soomaaliyeed oo in badan sheekooyinkaas raqiiska ah ka dhegeystay Raadiyo Muqdisho, kuwa xiligaas xilbeenaad haayay oo hadalo loo soo meeriyay ka aqrinaaya Raadiyo Muqdisho….

Qofkii qoraalkaan dood ka qaba haku noqdo Keydka Raadiyo Muqdisho….

Biyo dhaca qoraalkan gaabani waa in la ogaado inay siyaasada Soomaaliya ee gurracan inay hide iyo dhaqanba u leedahay in kuwa haaya xilalka macmalka ah in inta loo yeero lagu dhaho:

WARYAA SIDAAS IYO SIDAAS U HADAL HADII KALE XILKA AYAAN KAA QAADAYAA, WAXAANA U DHIIBAYAA HEBEL OO U DIYAAR AH IN UU SIDAAS IYO SIDAAS IYO KASII DARANBA U HADLO, EE HADALKAAN MA DHAHEE MISE XILKA AYAAD IIGA DEGEEYSAA?

Ujeedadu waa in lakala dilo masuulka xilka haaya iyo bulshada gaar ahaan degaanka uu Qaranka ku matalo….Waa farsamada lagu hanto xilhaaye, xilkiisa lagu maamulo xafiiskiisa, asaga oo aan talo iyo tusaale midna ku lahayn talada Xafiiska.

Hadaba dadka Soomaaliyeed hadii ay maqlaan nin ku hadlaaya “HADAL AAN-AHAYN NIN-WEYN HADALKIISA”, ha ogaadeen in ninka hadlaaya innaanu ku hadlayn garasho iyo aragti uu asagu shakhsiyan leeyahay ee waxaa ka dhex hadlaaya ama fariinta usoo dhiibay waa ninkii markii hore u magacaabay xilka macmalka ah.”

“WARYAA SIDAAS IYO SIDAAS U HADAL HADII KALE XILKA IIGA DEG, SOOMAALIYA WAA KU DUNTAY” Ee Soomaaliyey taariikhda wax ka baro, xilka iyo deeqdana Alle ayaa bixiya e, sharafta iyo karaamada yaan lagu iibsan xil-beenaad aan haba-yaraatee lahayn wax macno ah oo loo sharaf-beelo.

Ragoow nin aan kuu furi-doonin yaanu kuu rarin….

Ragow: bil laba ah laguma guureeyo, ee inta aadan hadal, waxna falin, yeelo filasho dheer.

Soomaaliya Guul: Aamiin

W/Q: Dr. Hassan Sheikh Ali
29 November 2020

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Taliyaha Ciidamada Uganda oo Mareykanka ugu hanjabay inay Ciidamadooda kala baxayaan Somaliya

Taliyaha Ciidamada Difaaca dalka Uganda, General Muhoozi Kainerugaba, oo ah wiil uu dhalay madaxweynaha dalkaasi Yoweri Musaveni ayaa ku hanjabay inay Uganda ciidamadeeda kala...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun...

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

Faahfaah: Qarax is-miidaamin ah oo Shabaab ku qaaday Moqokori iyo Hoggaamiye lagu dilay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo ay sheegatay Alshabaab. Qaraxa ayaa loo...

Dagaalkii Siyaasadeed Xasan Sheekh iyo Siciid Deni oo gaaray Gobolka Sanaag iyo Xiisad ka taagan

Gobolka Sanaag ayaa galay xaalad cusub, iyadoo ay ka socdaan dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed iyo olole lagu doonayo in degaanada Sanaag ku biiraan maamulka SSC-Khaatumo.Guddoomiyihii hore...

Shirkii Madaxweyne Xasan iyo Madasha Mucaaradka oo la isku mari waayay (ma burburay mise..?)

kulankii labaad shirka Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madasha Samata-bixinta Mucaaradka ayaa maanta ka dhacay xarunta Madaxtooyada ee Villa Somaliya.War kooban oo kasoo baxay...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you