Wednesday, July 9, 2025

Macallin Farmaajow Mahadsanid: “5 Sano oo Casharro baraatiko ah” (Qormo Culus)

-

Macallin Farmaajow mahadsanid. Waxaad kobcisay wacyiga iyo ogaalka dad badan. Dad  danahooda iska raacan jiray, oo aan siyaasadda iyo xaalka dalka waxba kala socon jirin ayaad ku qasabtay in ay hurdada ka kacaan oo ay aragti ka yeeshaan waxa dalka ka dhacaya. Aan kuu tusaalaayee, Mohammed Deeyoo oo fanka ka shaqeyn jiray ayaad ka dhigtay muwaadin dhiifoon oo ka faalloodo xaaladda iyo masiirka dalka.

Macallin Farmaajow mahadsanid. Dadka ayaad na kala bartay. Waxaad abuurtay duruufo iyo xaalado adag oo lagu imtixaanay damiirka iyo dadnimada qofka. Waxaad kala miirtay dad badan oo isku dhex jiray. Doqonta iyo waxgaradka ayaad na kala tustay. Danleyda raqiista ah ee la iibsan karo ayaad naga bartay kuwa mabda’a iyo dadnimada leh ee aan ogoleyn in damiirkooda shilimaad lagu gorgoriyo. Dambiyadii waaweynaa ee dalka ka dhacayna waxaad ku barannay in dad badan oo xuquuql-insaanka iyo xuquuqda haweenka u doodi jiray ay ku qaraaban jireen ee aysan ka aheyn wax ay aaminsanaayeen.

Macallin Farmaajow mahadsanid. Dad badan oo rajo ka qabay in Soomaaliya xoog iyo kalitalisnimo lagu haysan karo ayaad u caddeysay in dadkeennu feejigan yihiin oo aan dalkaan lagu dhaqi karin wax aan heshiis lagu aheyn. Waxaad nagu baraarujisay halista ay leedahay in xil loo dhiibo qof aanan aqoon durugsan loo laheyn. Waadna ku mahadsan tahay in aad gubtay kaarka waddaniyadda bugta ah oo aanan mar dambe lagu qaraaban doonin.

Macallin Farmaajow mahadsanid. Waxaad na tusay sida ay maalmuhu u wareegayaan oo qof shalay xoog badnaa uu maanta u noqon karo miskiin tabar yar. Waxaad na bartay in ay muhiim tahay in qofku inta uu tabarta leeyahay uu sharciga ilaaliyo, si sharciguna isaga ugu hiilliyo maalinka uu tabar yar yahay ee uu u baahan yahay sharci uu maciinsado. Waxaad sidoo kalena na bartay in ay fiican tahay in uu qofku mar kasta ka dhiidhiyo dulmiga loo gaysanayo dadka kale. Dad badan oo shalay ku faraxsanaa dulmi lagula kacay dad kale ayaan aragnay iyagoo oo cabaadaya, kaddib markii uu soo gaaray dulmigii ay shalay taageersanaayeen.

Macallin Farmaajow mahadsanid. Waxaad furtay doodo iyo qadiyado waaweyn oo ay qasab tahay in ay Soomaalidu iska warsato. Dad badan oo nidaamka Federaalka saluugsanaa ayaad ku qancisay in Federaalku yahay xalka ugu fiican ee Soomaaliya ku badbaadi karo, maadaama ay suuragal tahay in uu Villa Soomaaliya soo fariisto hoggaamiye damac gurracan adiga oo kale. Dad badan oo qabiilkooda aqoonninna waxaad ku qasabtay in ay hurdada ka toosaan oo ay qabiilkooda iyo qabiilkada kaleba kala bartaan. 

Macallin Farmaajow mahadsanid. Waxaad na bartay in aan laablakac, qiiro been ah iyo qardajeex Soomaaliya lagu dhisi karin. Qofkii isku dayana uu ugu dambeyn isagoo tabar iyo talaba seegay ku nafbixi doono meel bahgooyo ah oo aysan ka dhoweyn cid u soo ciidamisa. 

Macallin Farmaajow mahadsanid. Waxaad na bartay in dadka caadaqaatayaasha ah ay dantooda daacad u yihiin ee aysan aheyn walaalo kula dhashay oo mar kasta ku garabtaagan. Waxaan aragnay dadkii markii aad shalay xoogga laheyd kuu sacabtumi jiray oo maanta kaa kala firxaday markii ay arkeen adiga oo sii nafbaxaya, kuuna gefaya si ay dadka kale u tusaan in ay kaa soo kala carareen.

Macallin Farmaajow mahadsanid. Waxaad na tusay sida ay dadku u kala qeybsan yihiin. Dadka ciilka iyo cuqdadda qaba ee jecel in dadka ay naceybka u qabaan la dhibaateeyo ayaad naga bartay dadka kale ee jecel in nabad lagu wada noolaado.

Macallin Farmaajow mahadsanid. Waxaad na tustay in dadka dulmidiidka ah ee damiirkoodu nool yahay ee ay mar kasta ka mustaqbal fiican yihiin caadaqaatayaasha danleyda ah. Waxaan aragnay kuwii shalay dulmiga kuugu sacabtumayay oo maanta dhibbanayaal u ah in ay adiga ku taageereen iyo raggii kula dagaalay oo si dhib yar ku soo helay kuraasta beelahooda.

Macallin Farmaajow mahadsanid. 5 sano ayaad nagu bartay cashirro baraatiko ah oo aanan iskuullada iyo jaamacadaha lagu dhigin.

In badan mahadsanid Macallin.

Waxa Qoray: Hussein Sabrie

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

Faahfaah: Qarax is-miidaamin ah oo Shabaab ku qaaday Moqokori iyo Hoggaamiye lagu dilay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo ay sheegatay Alshabaab. Qaraxa ayaa loo...

Dagaalkii Siyaasadeed Xasan Sheekh iyo Siciid Deni oo gaaray Gobolka Sanaag iyo Xiisad ka taagan

Gobolka Sanaag ayaa galay xaalad cusub, iyadoo ay ka socdaan dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed iyo olole lagu doonayo in degaanada Sanaag ku biiraan maamulka SSC-Khaatumo.Guddoomiyihii hore...

Shirkii Madaxweyne Xasan iyo Madasha Mucaaradka oo la isku mari waayay (ma burburay mise..?)

kulankii labaad shirka Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madasha Samata-bixinta Mucaaradka ayaa maanta ka dhacay xarunta Madaxtooyada ee Villa Somaliya.War kooban oo kasoo baxay...

FAAHFAAHIN: Dad yar oo ka badbaaday Diyaaraddii AUSSOM ee ku burburtay Garoonka Muqdisho

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helay diyaarad nooca Helicopter-ja ah oo ay lahaayeen ciidamada Midowga Afrika ee howlgalka AUSSOM, taasoo kasoo kacday garoonka Ballidoogle...

Dhalinyarro careysan oo bannaanbax Careysaan ka dhigay magaalada Muqdisho iyo Rasaas loo adeegsaday

Dhalinyarada ku shaqeysata Mootada dhugdhugleyda ee loo yaqan Fekon-ta ee aya maanta bannaabax careysan ka dhigay caasimadda Muqdisho, iyagoo xirtay Isgoyska muhiimka ah ee...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Calan-saarkii iyo xuskii ugu weynaa u sameeyay 1-da Luulyo (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay iyo maanta si aan hore loo arag u xusay munaasabadda xoriyadda gobollada Koonfureed iyo midowgii...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you