Madaxweynaha Ahlu Suna oo markii ugu horeysay caawa la kulmay madaxda maamul Goboleedyada [Sawirro]

0

Madaxweynaha maamulka Ahnlu suna Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa markii ugu horeysay la kulmay madaxda maamul goboleedyada dalka.

Kulan casho sharaf ah oo loo sameeyay ayaa waxaa kasoo wada qeyb galay madaxweynayaasha maamulada dalka iyo wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya.

Waxaa kulamka ka dhex muuqday Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre, madaxweynaha Puntland C/weli Gaas, madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, madaxweynaha Jubba Axmed Madoobe, Madaxweynaha Hhishabelle Cali C/llaahi Cosoble.

Waxaa kaloo casho sharafta ku wehliyay wasiirka arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Juxa iyo wasiirka arimaha dibadda Yuusuf Garaad Cumar.

Madaxweynaha Ahlu suna iyo madaxda maamul goboleedyada ayaa hadallo kaftan iyo la wadaagay, waxaana lagu wadaa in wadahadal ay dhexdhexaadineyso dowladda Federaalka uga furmo Muqdisho.

Goobjooge.com