Monday, June 30, 2025

Madaxweynaha Muddo Xileedkiisu dhammaaday awood uma laha Faragelinta Doorashada (Qormo Sharci)

-

Waxaan halkan si kooban ugu falanqaynayaa warqad ka soo baxday Villa Soomaaliya oo baraha bulshada lagu faafiyey. (Halkan ka Akhriso)

1. Sida ku cad Qodobka 60aad ee Dastuurka Kumeel-gaarka ah, muddo xileedka Baarlamaanka Federaalka (labada aqal) waa afar sano oo ka billaabanaysa marka natiijada doorashada lagu dhawaaqo. Farqada 2aad ee isla qodobkaas ayaa waxa ay sheegaysaa in muddo xileedku ka billaaban karo marka xubin ka tirsan baarlamaanka dib loo doorto.

2. Hadda waxaa la doortay dhammaan xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ah, iyo xubno ka tirsan Golaha Shacabka. Xubnaha Aqalka sare iyo kuwa Golaha Shacabka ee la doortay waxaa u billaabatay afar sano oo cusub.

Hadda halka Gole oo qaanuunka ah oo dalka ka jira waa xubnaha Aqalka sare ee la soo doortay. Golaha Shacabka oo xubno ka mid ah, oo guddoomiyihii hore kamid yahay ,dib loo soo doortay ma isticmaali karaan magaca Baarlamaanka 10aad oo xilligiisii dhammaaday.

3. Qodobkaas Dastuuriga ah xeer Gole Shacab ama Baarlamaan wax loogama beddeli karo ee waxaa keliya oo lagu beddei karaa in isbeddel lagu sameeyo qodobbada dastuurka.

4. Sida ku cad Qodobka 91aad ee Dastuurka Federaalka Kumeel-gaarka ah muddo xileedka Madaxweynaha Jamhuriyadda waa afar sano oo ka billaabanaysa maalinta xaafiiska loo dhaariyo. Muddo xileedkaas Dastuurku sheegay waxaa lagu kordhin karaa oo keli ah waa isbeddel lagu sameeyo Dastuurka si waafaqsan Cutubka 15aad ee Dastuurka. Xeer Baarlamaan ama Gole keli ah waxba kama baddali karo qodob dastuuri ah.

5. Madaxweynaha waa joogayaa xaafiiska inta laga baddalayo laakiin ma laha awood qaanuun oo uu tallaabooyin cusub ku qaado ama u qaato awoodo uuna lahayn markii uu ku jirey muddo xileedka dastuuriga ah.

6. Sida ku cad Qodobka 103 ee Dastuurka Federaalka Kumeel-gaarka ah, Ra’iisul Wasaaraha ayaa haysta awoodda xilgaarsiinta ee Dastuuriga ah. Masuuliyadda shaqooyinka socday iyo kuwa muhiimka ah ee fulinta oo ay ku jirto doorashada dalka Golaha Wasiirrada oo uu Ra’iisul Wasaaraha hoggaamiyo ayaa masuul ka ah.

7. Madaxweynaha marna masuul kama ahayn doorashooyinka dalka marka la raaco Dastuurka, shaqadaasna waxaa iska leh, awalna lahaa Xukuumadda Xilgaarsiinta. Sheegashada Madaxweynaha in uu doorashadii wareejiyey wax sharciyad ah kuma dhisnayn oo awal ayuu si aan dastuurka waafaqsanayn faraha ugula jiray.

8. Heshiisyada doorashada la gaaray waxa ay ahaayeen heshiisyo siyaasadeed oo dalka looga badbaadinayey dagaallo sokeeye. Haddii wax laga baddalayana waxaa jooga xubnihii heshiisyadaas horay u galay ee madaxtooyada waddo qaanuun uguma bannaana in ay farageliso.

9. Sidaas daraadeed, Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday wax awood qaanuun ah uma laha in uu faragaliyo doorashooyinka ama shir iskugu yeero golayaal waqtigoodii dhammaaday qaarna dib loosoo doortay.

Tallaabadaas haddii aan laga noqon ama la isku dayo in la hirgeliyo waxa ay dalka u horseedi kartaa dagaallo dhiig badani ku daataan iyo bur bur ku yimaada dowladnimada la isku kakabayey oo ay adkaan doonto in dab loo soo celiyo.Maxaa xal ah?Si dalkan jilicsan looga badbaadiyo in uu galo xaalad Khalkhal ammaan iyo mid siyaasadeed oo ay dhici karto in dalku ku kala burburo, waxaa muhiim ah in la joojiyo tallaabooyinka qar iska tuurka ah, lana tixgeliyo xaaladda dalku marayo.

Dhowr tallaabo ayaa la qaadi karaa si dalka looga badbaadiyo dagaallo sokeeye iyo burbur.

1. Ra’iisul Wasaaraha iyo Maamul Goboleedyada oo iskugu yimaada shir deg deg ah oo lagu turxaan bixinayo habraacyada doorashooyinka cabashooyinka ka yimaadeen, isla markaasna lagu gaarayo go’aammo lagu deddejiyo doorashooyinka xubnaha Golaha Shacabka inta ka dhimman. Tallaabadaas waa tan ugu fiican oo dalka looga badbaadin karo khalalaase amni iyo mid siyaasadeed iyo dhiig sokeeye oo daata.

2. Xubnaha Aqalka Sare oo la doortay oo isku yimaada oo doortaan hoggaan Aqalka Sare, sidaasna ay ku abuuranto hay’ad dastuuri ah oo talooyinka dalka hagta. Aqalka sare waxa uu la shaqaynayaa Ra’iisul Wasaaraha Xilgaarsiinta si loo dhamaystiro doorashooyinka inta dhimman waxayna noqonayaan meesha loo noqdo haddii caqabado yimaadaan.

3. Dalka Soomaaliya waa dal aad u jilicsan oo dowladda dhexe ayna ka talin meel ka baxsan Magaalada Muqdishu oo ay weliba awoodo kale canshuur ka qaataan. Waxaa muhiim ah in aan dalkaan loo horseedin dhiig daata iyo bur bur.

Dalkaan xaalka uu ku jiro qofkii ku fakara awood ciidan ayaan isticmaalayaa waxa uu ku ciyaarayaa dab ay u badan tahay in uu ku gubto dalkana qabadsiiyo.

W/Q: Avv. Ahmed Ali Kheyre (PHD)

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Ra’iisal wasaaraha Qatar oo qaabilay Madaxweynaha Somaliland iyo dowladda Qatar oo xaqiijisay Qaranimada Somaliya

Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar, Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al-Thani ayaa xafiiskiisa magaalada Doha ku qaabilay Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro). War...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhagax dhigay dhismaha Garoonka cusub ee ‘New Mogadishu International Airport’

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Mas'uuliyiin la socda ayaa gaaray degaanka Haabaay ee degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellaha Dhexe.Safarka Madaxweynaha waxaa ku wehliya...

Madaxweyne ku xigeenkii Jubaland oo ku geeriyooday Nairobi iyo Madaxweyne Xasan Sheekh oo Qoraal kasoo saaray

Allaha u naxariistee waxaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya maantya ku geeriyooday Madaxweyne ku xigeenkii labaad ee maamulka Jubbaland Cabdulqaadir Xaaji Maxamuud (Lugadheere).AUN C/qaadir...

Dowladda QATAR oo u yeertay Madaxweynaha Somaliland C/raxmaan Cirro iyo ujeedka socdaalkiisa

Madaxweynaha Somaliland C/raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta gaaray dalka Qatar, halkaas oo la sheegay inay uga bilaabatay booqasho rasmi ah, kadib martiqaad ay...

Farmaajo oo Madaxweyne Xasan Sheekh kula taliyay inuu si toos ah martiqaad ugu diro Siciid Deni iyo Axmed Madoobe

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhoweeyay kulankii iyo is afgradkii dhex maray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo qaar ka...

Dood ka dhalatay kulan Wasiir Jaamac la yeeshay Madaxweynaha iyo Wasiirka Arrimaha dibadda Turkiga

Dood culus iyo fal-celin xoog leh ayaa ka dhalatay kulan  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga, Recep Tayyip Erdogan uu maanta la yeeshay  Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka...

Hoggaamiyaha Khaatumo oo farriin u diray Siciid Deni iyo Axmed Madoobe, si buuxdana u taageeray Xasan Sheekh

Hogaamiyaha maamulka SSC-Khaatumo abdiqaadir Axmed Aw-Cali ayaa si buuxda u taageeray wax ka bedelka dastuurka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo doorashada qof iyo cod ee...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you