Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa booqasho ku tegay dalka Qatar, isagoo wadahada la yeeshay Amiirka dalkaasi Tamim Bin Xamad Al-thani.
Booqashada Erdogan ee magaalada Doha ayaa imaaneysa markii labada hoggaamiye ku kulmeen dalka Turkiga bil ka hor, waxayna labada dal noqdeen isbaheysi, iyo Turkiga oo buuxiyay kaalinta dalka ugu weyn ee saaxiibka la ah dowladda go’doonsan ee Qatar.
Waa markii labaad ee Erdogan uu booqdo dalka Qatar intii ay xiisad khaliijka qaraxday, isagoo dalkaasi u soo driay ciidamo ka badan 5000 askari oo Turki ah. Waxay labada dal ka wadahadleen xiriirka u dhaxeeya.
Madaxweynaha Turkiga ayaa booqday ciidamada dalkiisa ee jooga Qatat iyo xarunta milateri ee ay ku leeyihiin magaalada Doha. Waxaa socdaalkiisa dalka Qatar ku wehliya madaxweynaha Turkiga wasiirka arrimaha dibadda Mevlut Cavusoglu, taliyaha ciidamada dalkaasi General Hulusi Akar iyo mas’uuliyiin kale, waxayna booqashada soo gabagabowaday galabta.