Madaxweyne Galmudug Xaaf oo Muqdisho lagu soo dhoweeyay [Daawo Sawirrada]

0

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inuu goor dhoweyd halkaasi gaaray Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf).

Xaaf oo ka qeybgalaya shirka madaxda maamul goboleedyada iyo kuwa dowladda Federaalka ayaa waxaa soo dhoweyntiisa ka qeyb galay xubno ka tirsan labada gole ee dowladda Soomaaliya.

Madaxweynaha Galmudug oo xilkiisa muran ka taagan yahay, isla markaana xiisad siyaasadeed kala dhaxeysay madaxda dowladda Federaalka ayaa caqabado badan ka hor yimaadeen imaanshihiisa Muqdisho.

Ka qeybgalka shirka Muqdisho ayaa madaxweyne Xaaf ugu dhigan guul siyaasadeed oo dib u helay sharcinimada iyo aqoonsiga dowladda Federaalka, kadib markii ay la safteen madaxda kale ee dowlad Goboleedyada.

Madaxweyne Xaaf ayaa waxaa ku furan buuq siyaasadeed oo ka dhashay Khilaafka kala dhaxeeya Madaxweyne ku xigeenka iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka, waxaa xusid mudan in Xaaf ay dacwad uu ku soo oogay guddoomiyaha Barlamaanka Galmudug ku sugeyso Muqdisho.
SAWIRRO