Thursday, July 17, 2025

“Magaalada Guriceel waxaa lagu dunshay Hub iyo ciidan Muqdisho laga keenay..” Qormada Sh. Shaakir

-

Hoggaamiyaha Kooxda Ahlusunna ayaa faahfaahin ka bixiyey sida ay uga bexeen magaalada Guriceel oo dagaal xoog leh uu kula galay ciidamada Galmudug iyo kuwa dowladda Federaalka, wuxuuna qoraal uu soo saaray ku caddeeyay inay diyaar u yihiin wadahadal.

Wuxuu qoraalkiisa ku sheegay Sheekh Shaakir inay Guriceel ugu bexeen codsi uga yimid Culimada, Ganacsatada, bulshada rayidka, Senataro iyo Siyaasiyiin reer Galmudug ah.


QORAALKA SHEEKH SHAAKIR HOOR KA AKHRISO

Bismillaah, Alhamdulillaah.Waxaan marka koobaad u tacsiyanayaa dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay weerarkii isbaheysiga gardarrada ahaa ee lagu soo qaaday degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, waxaana leeyahay, “intii naga dhimatay Rabbi hasiiyo naxariistiisa janno, intii naga dhaawacantayna rabi hanoo caafiyo

Waxaan aad uga xumahay in magaalada Guriceel hub iyo ciidan Muqdisho laga keenay lagu dunshay goobahii caafimaadka, ganacsiga iyo meelahii bulshada muhiimka u ahaa, waana nasiibdarro Somalia usoo hoyatay in Saanadii qaranka lagu gubay guryahii ummada , lagu qaxiyay shacbigii magaalada Guriceel ee nagu soo dhaweeyay si nabad ah.

Waxaan rabaa in aan u sheego umada soomaaliyeed in aan markii horeba soo dhawaynay baaqyadii nabadda iyo wada-hadalka iyo in aysan dhicin dagaal aan kan shabaab lagula jira ahayn, waxaana u caddaynayaa ummadda somaaliyeed in aan soo dhawaynay mar labaad baaqyada ka imaanayay Culimada, Cuqaasha, Ganacsatada, Siyaasiyiinta, Midawga musharaxiinta iyo beesha caalamka annaga oo tixgalineyna Shacbigeena.

Waxaan dadka soomaaliyeed u caddaynayaa in aan Guriceel uga baxnay Codsi nooga yimid Culimada, Ganacsatada, bulshada rayidka senataro iyo Siyaasiyiin reer Galmudug ah ,Waxay kaloo naga codsadeen in aan ku wareejino labadii gaari ee lagu xasuuqay dadkii lagu laayay deegaanka Bohol in aan ku wareejinno iyaga waana ku wareejinnay.

Waxaan ku ballannay in aan degno deegaanka Bohol oo markii horeba ahaa deegaankii nalagu soo weeraray.Waxaan kaloo ku ballannay in wax walba oo jira lagu dhammeeyo wada hadal iyo xal nabad ah, waxaana aqbalnay dhamaan codsiyadii nooga imaanayay beesha Caalamka iyo dhamaan bulshada Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn waxaan mahadcelin u dirayaa shacbigeenna marwalba nagu garabtaagnaa nabadda iyo difaaca deegaanka iyo dadka laga difaacaya kooxahaha argigixisada ah walina garabkeenna taagan, waxaana uga tacsiyeeynaynaa waxyeelladii ka soo gaartay duullaankii gardarrada ahaa ee lagu soo qaaday guryahooda, hantidooda ayadoo la adeegsanaya awooddii dowladnimada Somalia.

Waxaan marwalba u taagnaanahay nabadda iyo in aan awoodda dowladeed si qaldan loo isticmaalin, waxii khaldama lagu saxo wada hadal , dagaal aan kan shabaab aheena dhacin , dadkeenana aysan ku seexan walwal ay ka qabaan argigixisada.

Cid walba oo nabad jecel ayaan marwalba garabkooda nahay iyo cid walba oo nagu garabsiineysa dagaalka argigixisada Al Shabaab.

Waxa Qoray: Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan Sheekh Maxamuud
Hoggaamiyaha Ahlu Suna

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun...

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

Faahfaah: Qarax is-miidaamin ah oo Shabaab ku qaaday Moqokori iyo Hoggaamiye lagu dilay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo ay sheegatay Alshabaab. Qaraxa ayaa loo...

Dagaalkii Siyaasadeed Xasan Sheekh iyo Siciid Deni oo gaaray Gobolka Sanaag iyo Xiisad ka taagan

Gobolka Sanaag ayaa galay xaalad cusub, iyadoo ay ka socdaan dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed iyo olole lagu doonayo in degaanada Sanaag ku biiraan maamulka SSC-Khaatumo.Guddoomiyihii hore...

Shirkii Madaxweyne Xasan iyo Madasha Mucaaradka oo la isku mari waayay (ma burburay mise..?)

kulankii labaad shirka Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madasha Samata-bixinta Mucaaradka ayaa maanta ka dhacay xarunta Madaxtooyada ee Villa Somaliya.War kooban oo kasoo baxay...

FAAHFAAHIN: Dad yar oo ka badbaaday Diyaaraddii AUSSOM ee ku burburtay Garoonka Muqdisho

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helay diyaarad nooca Helicopter-ja ah oo ay lahaayeen ciidamada Midowga Afrika ee howlgalka AUSSOM, taasoo kasoo kacday garoonka Ballidoogle...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you