Sunday, April 11, 2021

Martiini iyo Maanta: “Waxaan tiriyay muddo 3 saac ka badneyn 25 Ambulance oo Dad lee wada” (Qormo)

-

- Advertisement -

Indhahooda waxaa ka muuqda daal iyo dhafar farabadan waxaana muuqata intii ay kareen ka badan in ay sameynayaan waa hawlwadeennada naftood hurayaasha ah ee safka hore ku jira waa dhaqaatiir iyo kalkaaliyeyaal.

Dadka u i imaan jiray Isbitaalka si looga baaro in caabuqa uu haleelay iyo inkale tiradii ugu badneyd ayaa maanta timid oo dhammaantood doonaya in la baaro, qof walbana isaga ayaa doonaya in uu noqdo qofka ugu horeeya ee la baaro taasi oo keeneysa in dadku aad isugu soo dhowaadaan waxaana ku jira carruur yar yar oo waalidkood u keenay in loo baaro.

Hawlwadeennada aad ayey dadkaan ugu shaqeynayaan. Geesta kale waxaa isbitaalka imaanaya ehellada bukaannada isbitaalka jiifa oo soo booqanaya Dadkooda, halkaan waxaa dhooban dhalinyaro waalidkood oo naqaska ku dhegay maanta keenay waxeyna ku doodayaan ineysan meelna u socon oo ay diyaar u yihiin iney waalidkood la dhintaan taas oo aanay caalamka kale ka jirin.

Guud ahaan isbitaalka waxaa ka socota shaqo aad u xoogan oo aan hagar laheyn. Xaqiiqda ilaahey igu ogyahay ayaa ah in qofkii tagaa Isbitaalka Martini uu soo laabanaayo isaga oo murugaysan sidoo kale xaqiiqda rasmiga ah indhihiisu kusoo arkay waayo xaalada aad adiga u tagtay mid kasii daran ayaa arkaysaa oo hadana inta tabar ah lala tacaalaayo ma jiraan bukaano banaan jiifa iyo kuwa banaanka loo soo saaray intaba war soomaaliyeey meeshan waa meesha kaliya ee hada dalkoo dhan ka furan oo badino goobaha qalabka iyo kahortaga intaba.

- Advertisement -

Waxaan ka tiriyay muddo saddex saac aan ka badneen 25-Ambulece oo dad lee wada markii ay shaqaalaha caafimaadka codka gaariga maqlaa. Banaanka ayay imaanayaan si bukaankaasi cusub meel ugu raadiyaan lkn ehelkaa laga fujin karin oo waxay leeyihiin waalidkey kama tagi karo meeshaasi dood ayaa ka dhalanaysa .Halkaas markii ay sheekadu mareyso waxaa lagamamaarmaan ah in dowladdu awood u adeegsato sidii Dadka loo xakameyn lahaa.

W/Q: Abdalla Hassan Baliil
– Weriye-

- Advertisement -

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Ciidamada Dowladda si ula-kac ah ayey u dileen Guddoomiyihii Degmada Hodon -Xeer ilaaliyaha-

Guddi Baaritaan ku sameeyay dilkii Guddoomiyihii Degmada Hodon marxuu C/xakiin Dhegajuun ayaa lagu ogaaday in dilkiisa uu ahaa ulakac si kas ah u dhacay...

Ganacsato Qeylo-dhaan kasoo saaray Qaadka Itoobiya laga keeno oo loo xiray Nin la dhashay Farmaajo

Ganacsatada Qaadka ee magaalada Muqdisho ayaa qeylo dhaan kasoo saaray Qaadka laga keeno dalka Itoobiya in loo xiray nin la dhashay Farmaajo iyo dad...

Warbixinta laga diyaariyey Kiiska Dilka Guddoomiyihii Hodon oo lagu wareejiyey Maxkamadda Milateriga

Guddi ay xukuumaddu xil gaarsiinta u sameysay baaritaanka Dilkii guddoomiyihii degmada Hodan ee Gobolka Banaadir Cabdixakiin C/raxmaan Ciise (Dhegajuun) ayaa warbixinta kiiska lagu wareejiyey...

Farmaajo oo Dhambaal u diray Madaxweynaha dib loo doortay ee Ismaaciil Cumar Geelle

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray Madaxweynaah markii shanaad dib loo doortay ee Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle. Qoraal...

Qarax is-miidaamin ah oo lala beegsada Guddoomiyaha Gobolka Bay iyo Wararkii ugu danbeeyay…

Wararka laga helayo magaalada Baydhaba ayaa sheegyaa inuu Goor dhoweyd ka dhacay Qarax is-miidaamin ah oo lala beegsaday Guddoomiyaha Gobolka Bay. Qof isku soo xiray...

Sarkaal ka tirsanaa Nabadsugidda Jubbaland oo lagu dilay Qarax ka dhacay Magaalada Kismaayo

Faahfaahin dheraad ah yaa laga helayaa qarax maanta ka dhacay magaalada Kismaayo, kaasoo lala beegsadat sarkaal ka tirsan Nabad-sugida maamulka Jubbaland. Qaraxan oo ahaa mid...

Puntland oo Hal Qodob uga adkaatay Madaxtooyada Somaliya & Farmaajo baaq uu hore diri jiray loo diray

Is-jiidjiidka siyaasadeed ee u dhaxeeya Puntland iyo Madaxtooyada Soomaalia ayaa weji cusub galay markii dowladda Soomaaliay ay shaacisay inuu fashilmay shirii hordhaca ahaa ee...

XOGAHA QARSOON

Maxamed Farmaajo ma ku noqon doonaa Shirka Afisyoone..? (Akhriso: 3-da Go’aan ee midkood uu qaadan doono)

Beesha Caalamka ayaa ka hor timid inuu fashilmay shirkii hordhaca ahaa ee Xarunta Afisyoone uga socday Madaxda Dowladda Federaalka iyo maamul Goboleedyada, iyado meesha...

XOG CULUS: Farmaajo oo Qorshihiisa Doorashada iyo sii joogista Xukunka la wadaagay xildhibaano taageersan

Madaxweynaha muddo xilkeedkiisu dhammaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa markii ugu horeysya qorshihiisa Doorashada iyo sida uu doonayo inuu xukunka ku sii joogayo la wadaagay...

Maxaad kala socotaa Qorshaha cusub ee Maxamed Farmaajo Maamul taabacsan uga dhisayo Jubbaland..?

Waxaa socda qorshe cusub oo madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo ku doonayo inuu ku wajaho Maamulka Jubbaland. Qorshahan oo markii hore loo...

Horjoogayaal Alshabaab u qaabilsanaa Qaraxyada Muqdisho oo la ogaaday inay dhinteen (Magacyada)

Horjoogayaal muhiim ah oo Alshabaab u qaabilsanaa Qaraxyada ka dhaca Muqdisho ayaa la ogaaday inay dhinteen siyaabo kala duwan. Sida Warbaahinta dowladda kasoo xigtay Hay'adda...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you

error: Content is protected !!