Dadweyne careysan ayaa bannaabax ka dhigay magaalada Muqdisho, kadib markii askari ka tiran ciicamada Booliska uu laba qof oo shacab ah ku dilay xalay degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho, isagoo fulinaya Bandow ay soo rogtay dowladda Soomaaliya.
Qaar ka mida dadka bannaanbaxa waday ayaa dumiyey taallo ka mid kuwa Muqdisho ee kala wareega Shangaani, iyagoo jeexjeexay sawirka Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo, kadibna dab qabadsiiyey, waxay kaloo dad kale burbriyeen qaar ka mida fadhiyada casriga ahaa ee Busteejooyinka Muqdisho.
Khalad kastoo ay ku kaceen Dadkani waxay direen farriin siyaasadeed oo ah inaysan dooneynin hoggaanka dowladda hadda jirta ee Madaxweyne Farmaajo, waxayna farriintooda inta badan ku socotay Madaxweynaha taasoo ahayd inay ka niyad jabeen hoggaankiisa oo hore loogu hanweynaa markii la doortay.
Waa marki labaad ee dhibaato ka dhalatay askar dad shacab ah dishay ay isu bedesho caro lagu diidan yahay Madaxweyne Farmaajo iyo dowladda uu hoggaamiyo. 13 April 2019 ayey ahayd markii ciidamada dowladda ay isgoyska Howlwadaag ku dileen Bajaajle iyo abtigiis wada saarnaa Mooto, dilkaas oo keenay in xaaladda Muqdisho khalkhal gasho, banaanbaxyo waaweyna ay ka dhacaan caasimadda.
Akhriso: Bannaabixii rabshadaha watay ee Muqdisho 13-April 2019
Sanad kadib dowladda Soomaaliya kuma guuleysan inay hagaajiso hab-dhaqanka ciidamadeeda Booliska oo lagu daray dhalinyarro badan oo aan boolisnimo u qalmin (Bac-kasii), kuwaasoo dad badan oo shacab ku laayey si bareer ah, qaarna u dilay arrimo yaryar oo laga fursan karay.
Bannaabixii sanadkii hore iyo Farriintii uu watay wuxuu madaxweyne Farmaajo uga jawaabay hadal adag iyo khudbad aan laga fiirsan oo isagoo careysan uu ka jeediyey xarunta degmada Wardhiigely [Halkan ka Akhriso], kadibna waxay ciidamadu ugaarsadeen dadkii soo abaabulay banaanbaxyada iyadoo la xiray ku dhowaad 50 bajaajle oo guryahooda lagala baxay.
Farriinta labaad ee maanta 25 April 2020, waxay kusoo beegantay xilli uu waqtiga kasii dhammaanayo Madaxweyne Farmaajo, xaalad adagna ay dalka ka jirto, wuxuuna falkan mugdi geliyey wixii xukuumadda Kheyre ku howlaneyd muddo dheer si ay muuqaalka dowladda u hagaajiso, una muujisay inay tahay dowad horumar gaariisay dalka, inta aanu imaan Coronavirus.
Jawaabta Madaxweyne Farmaajo ee dhacdada 24-ka April 2020 lagu dilay laba qof oo shacab ah waxay noqotay inuu ka gaabsado, isagoo soo diray Taliyaha Booliska oo xilkii ka qaaday taliyaha Booliska degmada ay dhibaatadu ka dhacday. [Akhriso Warkan]
In Sawirka Madaxweyne Farmaajo maalin lagu gubo Muqdisho waay ka dhigan tahay khaladaad laga fursan karay oo la ogolaaday inay dhacaan. Inkastoo labada jawaab ee labada dhacdo ee isku midka ah kala duwan yihiin, waxay haddana caddeyn u yihiin fashil dhinaca ciidamada ah oo lagu guuleysan waayey in la xaliyo ama haddii si kale loo yiraahdo in Booliska Soomaaliya ay dowladda Farmaajo ka dhigtay midkii ugu asluub liitay markii ay ka buuxisay nabadsugid iyo dhalinyaro aan u qalmin, iyagiina aan laga dhisin hab-dhaqanka dadka.
Waxaa kaloo xusid mudan in Maamulka Gobolka Banaadir uu maqaar-saar iska yahay sida kuwii ka horeeyay, wax awood ahna aanu lahayn, iyadoo taliyaha Booliska Federaalka ee Soomaaliya oo ka amar qaadanaya madaxweynaha ay toos uga talinayaan iyadoo aanu waxna laga weydiin, saameyna aanu ku lahayn maamulka G/Banaadir.
Waqtiga yar ee Madaxweyne Farmaajo u haray haddii aanu maareyn ciidamada, kana fogaan tallooyinka iyo falalka ka horkeenaya shacabka, waxaa xaqiiqo ah in xilliga u haray uu ku dhammeysan doono madax xanuun joogto ah iyo khaladaadkiisa oo galaafta waxqabadkiisii iyo mustaqbalkiisa siyaasadeed.
FAAQIDAAD: GOOBJOOGE