Madaxweyne Farmaajo: “Cidii isku dayda inay hor istaagto Qaranimada, Gacan bir ah ayaan ku qabaneynaa..”

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin dil maanta ka dhacay magaalada Muqdisho oo askari ka tirsan ciidamada dowladda uu ku dilay laba wiil oo dhalinyaro ah midkoodna ahaa darawal Bajaaj.

Madaxweyne Farmaajo oo xarunta degmada Wardhiigley kula hadlayey dad lasoo abaabulay dad u badan haween ayuu sheegay in ciidamada dowladda oo fara badan uu ku jiri karo mid aan fiicneyn oo dadkii uu difaaci lahaa dilaya, isagoo tacsi u diray labadii wiil ee maanta askariga uu ku dilay magaalada Muqdisho.

“Wax kastoo dhaca dowlad ayaad leedihihiin… dowladii aad doorateen.. anagu doorasho ayaan ku nimid… qofkii wax tabanaya maaha inuu cadaaladda gacantiisa ku qaato, ma aha inuu burburiyo hantida ganacstada,…. ama aha inuu gacan siiyo caddowga aan la dagaaleyno Shabaab..” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Ad

“Mudaaharaad aaan sharciyeysneyn.. mudaaharaad lagu burburinayo hantida ganacsatada ma ogolaaneyno… argagixsiada waxaa u haray inay idinku soo dhex dhuntaan… dowladdaan Wadaddii caddeyd ayay cagta saartay mana soo noqoneyso.. umadda Soomaaliyeed way socotay… hore ayaan u soconeynaa… shacabkeena ayaan u adeegeynaa…” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo oo ay ka muquatay inuu careysan yahay.

“Danley yeysan been idin sheegin… Soomaaliya waxa meesha dhigay waa dad qabiileystayaal ah oo qabiil ku shaqeysta.. annagu ma ogolaaneyno wiilasha iyo gabdhaha yaryar ee Soomaaliyeed in mustaqbalkooda iyo noloshooda lagu ciyaaro.. Waxaan Alle hortii ku ballan qaadeynaa ciddii isku dayda inay hor istaagto Qaranimada, Dowladnimada Soomaaliyaad iyo karaamada wallaahi gacan adag ayaan ku qabaneynaa…” ayuu si kulul u yiri Madaxweyne Farmaajo.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

121,092FansLike
801FollowersFollow
2,977FollowersFollow

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!