Wednesday, June 25, 2025
HomeBulshadaMucaad Ibraahim: Saqiirkii 3 jirka ahaa ee lagu dilay Masjidka Alnuur, New...

Mucaad Ibraahim: Saqiirkii 3 jirka ahaa ee lagu dilay Masjidka Alnuur, New Zealand [Sawirro]

-

Arrrimihii naxdinta lahaa ee laga soo weriyey weerarkii lagu qaaday Masjiska Alnuur ee magaalada Christchursh ee dalka New Zealand waxa ka mida dilka wiil saddex sano jir ah.

Wiilkan oo lagu magacaabo Mucaad Ibraahim ayuu toogasho ku dilay ninkii Caddaanka argagixisad ahaa ee weerarka ku qaaday masjidka, waxaana uu la socday aabihiis iyo walaalkiis oo ka badbaaday rasaaasta markii ay iska dhigeen dad dhintay oo kale, laakiin Mucaad oo Saqiir ahaa wuu cararray, taasoo keenay inay rasaastii haleesho.

Qoyskan oo ah Soomaali dalkaasi ku nool ayaa ka hadlay sida loo dilay saqiirka saddex sano jirka ahaa ee Mucaar Ibraahim, waxayna warbaahinta dunia baahisay sawir uu soo dhigay bartiisa facebook walaalkiisa Abdiftah Ibraahim oo farriin yar oo uu soo qoray ku yiri: ” Verily we belong to God and to Him we shall return” – will miss you dearly brother ????????❤ “

Markii la waayey wiilka yar ee Mucaad weerarka kadib ayaa si weyn loo baadigoobay, iyadoo markii danbe geeridiisa la sheegay inuu ku dhintay aabihii dhabtiisa.

Soomaalida ku geeriyootay weerarkii Chrischurch ayaa tiradooda lagu sheegay ilaa afar qof, waxaana ka mid ahaa Mucaad oo dilkiisa uu caddeyn u noqday arxan darrrada ninka falkan geystay oo ah caddaanka cunsuriyiinta ah.

Three-year-old Mucad Ibrahim is missing after the Christchurch shooting.
Image may contain: 2 people, people smiling, text
Mucaad iyo walaalkiis C/fataax
Mucad (pictured) reportedly ran from the attacker while his father and brother played dead
Mucaad oo ciyaaraya
Mucad Ibrahim (pictured) has sadly died, his family have confirmed
Mucaad wuxuu ahaa saddex sano jir, wuxuuna ku dhintay dhabta aabihiis