Wednesday, July 2, 2025

Niyad-jabkii aan kala kulmay Madaxweyne Farmaajo [W/Q: Ridwaan Xaaji C/weli]

-

Marka hore waad salaaman tihiin,

Waxaan jeclahay in aan idinla wadaago qormadan yar oo aan doonayo in aan dadka la qaybsado si ay aragti uga qaataan dhibaatada nagu habsatay isla markaana aau wax uga qabbano. Waxaan si gaar ah uga hadlayaa waxa aan la kulmay maanta oo dad badan ay la kulmaan isla markaana kamid ah waxyaabaha igu abuuri jirray Niyad-jabka muddadiii aan ka shaqaynayay Soomaaliya.

Maanta oo jimca ah waxaan la balansanaa Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo si aan Waraysi muuqaal ah uga qaado. Balanta waxaa naloo qabtay dhowr maalmood ka hor.

9:30 am ama aroornimo ayaan imid Hotelka uu daganyahay madaxweynaha si aan u hubiyo in xiliga balanta aanan ka dib dhicin oo ku beegneyd 10: 00 am, Shakhsiyanna waxaan ku dadaalaa ilaalinta balamaha iyo waqtiga.

Si wanaagsan ayey iisoo dhoweeyeen xubnaha xafiiska warbaahinta markii aan Hotelka tagay,waana uga mahadcelinayaa. Waxaa ila socday filim-qaade lagu magacaabo John Spier oo waraysiga duubayey, waxaa nala fadhiisiiyay qol ay dhowr qof ku jiraan si aan u suguno madaxweynaha, waxaa markiiba noo yimid madaxweynaha oo u muuqday qof ku faraxsan in aan u nimid isla noo sheegay in uu diyaar u yahay waraysi uu bixiyo. Waxaa uu naga codsaday in aan yara sugno si uu u dhamaysto balammo uu la lahaa dad kale oo u imanayay.

Ku dhowaad labo saacadood kadib markii ay kasoo wareegtay xiligii balanta ayaan la hadlay Cabbdinuur Maxamed oo ah madaxa warfaafinta ee Villa Somalia, anigoo la yaaban dadka faraha badan ee tubanaa albaabka qolka uu dagan yahay Madaxweyne Farmaajo, marar badan ayaan usoo joogay xaaladaha noocan oo kale ah.

Afhayeenkii hore ee xukuumadda Soomaaliya, weriye u shaqeeya VOA-da laanta Afsoomaaliga Ridwaan Xaaji

Cabdunuur oo ah nin aan siixiibo nahay oo run badan waxaa uu ii sheegay in wali balantu ay sideeda tahay, waana uga mahad celiyay anigoo og in wax walba ay isbadali karaan maadaama balamaha , maamullka iyo hab-maamuuska dalkeenu uu wali dhutinayo.

Anigoo la yaaban wali buuqa iyo dadka la isku wada dul-balamiyay ayaan u sheegay Film-qaade John in aan ka cabsi qabo in aanu suuragalin waraysiga. Waxaa uu I weydiiyay sabab? Waxaan ku jawaabay, waxaan filayaa in madaxweynaha uu mashquul badan galay, waxaa uu markale I weydiiyay maxaa ku dhacay balantii ? Waxaa ugu jawaabay aan waqti kale ugu darno.

Markii la gaaray 12:30 am ayaa nin kamid ah Hab-maamuuska madaxweynaha noo sheegay in madaxweynuhu safrayo 1:00 PM isla markaana saacadahaan ay dhib ku yihiin in uu ka jawaabo su’aalaha. Waxaan weydiiyay ma madaxweynaha miyaa sidaas kugu yiri? Waxaa uu yiri haa wallaahi.

Waxaan kadib taleefan u diray Cabdinuur oo markaas iga yara fogaa waxaan la wadaagay farriinta anigoo u raaciyay haddii waraysigu uusan suuragal ahayn waxba dhib malahan ee aan iska baxno, kadibna waxaa uu ii sheegay in aan sugo oo waqti loo helayo waraysiga.

Wax yar kadib ayaan ka warhelnay in madaxweyne Farmaajo uu ka noqday waraysiga anigoo markii horaba ka warhayay in Madaxweynuhu uusan jeclayn waraysiyada iyo Khudbadaha la jeediyo si lamid ah qaar badan oo kamid ah madaxda dunida, laakiin waxaan la yaabay ayaa ah balan-qaadka aan runta ahayn iyo nidaam-daradda na haysta oo aan ka warhayo in aan muddo kusii jiri doono haddii aan wax laga badalin dhaqanka noocan ah.

Anigoo aad u niyad-jabsan ayaan la kulmay gabar muddo sadex maalin ahayd sugaysay in ay la kulanto madaxweynaha si ay sawir ula gasho iyadoo sidada warqad ay ku qoran tahay mid kamid ah ururada ku howlanaa gurmadka abaaraha, hase yeeshee waxaa uu madaxweynaha u sheegay in uusan xiligan diyaar u ahayn sawir uu galo oo uu dib ugu soo laaban doono London. Gabdhaas oo aan ka cudur-daaranayo magaceeda waxaa ay ii sheegtay in ay ururiyeen lacag dhan 100’000 oo dollar si loogu caawiyo abaaraha.

Todobaadkii hore waxaa qorshaha noogu jirtay in aan waraysanno Ra’iiusl Wasaaraha Britain, Theresa May hase yeeshee waaxda warfaafinta ayaa noo sheegay in ay ka cudur-daaratay Waraysi ay bixiso, waana wax uu qofku xaq u leeyahay iyadoo waliba warbaahinta dalkan ay aad ugu dhaliilaan Ra’iisul Wasaaraha in aysan jeclayn waraysiyada, hadana waxaa wax lagu farxa ah in aaney qofkna waqti uga luminayn balan qaad aan jirin iyada iyo shaqaaleheeda.

Waxaan kusoo gunaanadayaa hadalkayga in loo baahan yahay in aan casharro ka bararrno dhamaan sidii aanu uga gudbi lahayn jahawareerka anagoo gac-maha is haysanna si aanu waqti badan nooga lumin.

Waxaan shaki ku jirin in haddii balamaha iyo waqtiga aan ilaalin weyno ama aan dhaqan ka dhiganno wax aan run ku dhisnayn in aanan si sahlan wax uga qaban Karin dhibaatooyinka amniga, dhaqaalaha, iyo dib-u-dhiska hay’adaha dawladeed.

Qoraalkani ma ahan mid aan ku mucaaradayo shakhsi ama adawladda, aniga ayuuna gaar ii yahay. Wariyahuna waxa uu la yaabo waa iska caadi in uu la wadaago dadkiisa.

Waxaan u mahadcelinayaa Cabdinuur Maxamed, Cabdiraxmaan Caynte iyo Abuukar Baale oo dhammaantood waqti galiyay in waraysigan uu suuragalo.

SOOMAALIYA HA NOOLAATO!!

Mahadsanidiin,
Ridwaan

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Calan-saarkii iyo xuskii ugu weynaa u sameeyay 1-da Luulyo (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay iyo maanta si aan hore loo arag u xusay munaasabadda xoriyadda gobollada Koonfureed iyo midowgii...

Ra’iisal wasaaraha Qatar oo qaabilay Madaxweynaha Somaliland iyo dowladda Qatar oo xaqiijisay Qaranimada Somaliya

Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar, Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al-Thani ayaa xafiiskiisa magaalada Doha ku qaabilay Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro). War...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhagax dhigay dhismaha Garoonka cusub ee ‘New Mogadishu International Airport’

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Mas'uuliyiin la socda ayaa gaaray degaanka Haabaay ee degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellaha Dhexe.Safarka Madaxweynaha waxaa ku wehliya...

Madaxweyne ku xigeenkii Jubaland oo ku geeriyooday Nairobi iyo Madaxweyne Xasan Sheekh oo Qoraal kasoo saaray

Allaha u naxariistee waxaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya maantya ku geeriyooday Madaxweyne ku xigeenkii labaad ee maamulka Jubbaland Cabdulqaadir Xaaji Maxamuud (Lugadheere).AUN C/qaadir...

Dowladda QATAR oo u yeertay Madaxweynaha Somaliland C/raxmaan Cirro iyo ujeedka socdaalkiisa

Madaxweynaha Somaliland C/raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta gaaray dalka Qatar, halkaas oo la sheegay inay uga bilaabatay booqasho rasmi ah, kadib martiqaad ay...

Farmaajo oo Madaxweyne Xasan Sheekh kula taliyay inuu si toos ah martiqaad ugu diro Siciid Deni iyo Axmed Madoobe

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhoweeyay kulankii iyo is afgradkii dhex maray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo qaar ka...

Dood ka dhalatay kulan Wasiir Jaamac la yeeshay Madaxweynaha iyo Wasiirka Arrimaha dibadda Turkiga

Dood culus iyo fal-celin xoog leh ayaa ka dhalatay kulan  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga, Recep Tayyip Erdogan uu maanta la yeeshay  Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you