Tuesday, April 23, 2024

Qareen Keenyaati ah oo soo jeediyay in Soomaaliya lagu daro Dalka Kenya [Akhriso Qormo xiiso leh]

-

- Advertisement -

Qareen u dhashay dalka Kenya, kana tirsan Maxkamadda Sare ee dalkaasi Karanja Kabage  ayaa soo jeediyey in dalalka Soomaaliya iyo Kenya ay ku midoobaan hal dal, sida uu ku qoray Maqaal ku soo abxa  jariidadda Daily Nation.

Qareenka oo dhinaca kale ah nin si joogto ah uga hadla Telefishanada, isla markaana qoraa ah ayaa qaba  inay haboontahay inay midoobaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya, isagoo is-weydiiyey inkasta oo Soomaalida ku xiran tahay bariga dhexe haddana maxaa ku jaban inay la midoobaan dalka Kenya..?

Wuxuu sheegay in dhul ahaan in bedka Kenya yahay 582,000 KM isku weerah iyo Soomaaliya oo  ah 637,000 square kilometers, halka xeebta Kenya ay tahay (490) iyo Soomaaliya (3,333km), tirada dadka Kenyaanka waxaa ay ku dhow yihiin 49 million halka Soomaalidana ay tahay ilaa 20 million.

Qareenka ayaa ku doodaya in waxyaabaha soo dedejin kara midowga laabda dal ay ka mid tahay  in Kenya ay heysto qaxooti badan oo Soomaali ah, sidoo kalana ay jiraan Soomaali deggan gobolka Waqooyi Bari oo jagooyin muhiim ah ka haya dowladda Kenya, isagoo Soomaalida ku sifeeyay dad howl-kar ah oo shaqo badan.

- Advertisement -

Maqaalka Qareen Kabage waxaa ku jiray, haddii labada dal ay ka midoobaan xagga difaaca, maamulka iyo xeerarka, arrimaha dibadda, beeraha, waxbarashada, caafimaadka, dhulka iyo xeebaha, waxaa ay noqon-doonaan awood weyn oo dadka iyo deegaanka ah, taasi oo midowga bariga Afrika ka dhigeysa meel loo soo raadsado maal-geshiga.

Sidoo kale, haddii labada dal midoobaan waxaa ay dadka tiradoodu noqon-doonaan 70 milyan, waxaana la heli-doonnaa suuq fiican, waxaa sidoo kale aan ka faa’ideysneynaa ayuu leeyahay xeebta dherarkeedu yahay 3,800km.

Aragtidan ayaa la mida mid kale oo barbar socota oo ah in midoobaan dalalka Somalia iyo Itoobiya, waxayna hadda Soomaaliya u muuqataa dal aan gooni u istaagi karin.

HALKAN KA AKHRISO MAQAALKA OO DHAMMEYSTIRAN

- Advertisement -

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Wakiilkii Q/Midoobay ee Somaliya oo xilka ka tegeysa Bisha May iyo Sababta dib loogu yeeray

Ergeygii Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsanaa Soomaaliya, Catriona Laing, ayaa xilka ka tageysa Bisha May, sida lag sheegay qoraal...

Maxaa ka jira inuu Abwaan Maxamuud Jeesto gaaray Jilib, kuna biiray Alshabaab..?

Warar isa soo traya ayaa sheegaya in Abwaan Maxamuud Maxamed Xaaji Ibraahim (Jeesto) oo ka mida dhalinyarrada kasoo jeeda uu ku biiray Alshabaab.Nikan dhaliyarrada...

Senator kasoo jeeda Somaliland oo kashifay Arrin kusoo korortay Kiiska C/naasir Dahable

Senator Cusman Abukar Dubbe ayaa shaaciyay eedeyn ku saabsan in jirdil loo geystay dhalinyaro kasoo jeeda Somaliland oo u xiran kiiska Dilka C/Naasir Muuse...

Askar Burcad isu bedeshay iyo Haweeney Hoggaamiye u ahayd oo la xukumay

Maxkamadda Darajada koowaad ee ciidamada Qalabka sida ayaa xukunno xabsi ah ku riday koox Burcad ah oo ka kooban askar iyo haweeney, kuwaas...

Doodihii ugu waaweynaa ee ka dhacay Fadhigii koowaad ee Rafcaanka Ninkii gubay xaaskiisa

Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir ayaa maanta yeelatay Fadhigii koowaad ee kiiska eedeysane Sayid Cali Macallin oo Maxkamadda Gobolka ku heshay inuu si ula kac...

Maxkamadda Rafcaanka G/Banaadir oo Maanta dib u bilaabeysa Dacwadii Sayid Cali Macallin

Dacwadda Kiiska Waxaa eedeysane Sayid Cali Macalin Daa'uud ayaa manta dib uga furmay Maxkamadda Rafcaanka G/Banaadir.Eedeysanahan oo maxkamadda Gobolka Banaadir ay ku heshay inuu...

Meydka Nin iyo Haweeney laga helay iyagoo 3 Maalmood ku xirnaa Gaari Bulletproof ah

Meydka Nin haweeney isbedelay oola sheegay oo hore isu qabeen ayaa laga dhex helay, iyagoo ku xiran Gudaha Gaari nooca aanay xabbadu karin,...

XOGAHA QARSOON

XOG: Qorsheyaasha uu xambaarsan yahay Socdaalka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Nairobi

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sodaal shaqo ku gaaray maanta magaalada Nairobi ee dalka Kenya.Socdaalka Xasan Sheekh ee dalka Kenya ayey madaxtooyada Soomaaliya...

XOG: Qodobadda Madaxweyne Xasan Sheekh ka tanaasulay & Qodobka uu ku tiirsan yahay

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo olole ugu jiray dhammeystirka Dastuurka KMG ah ayaa ka tanaasulay laba Qodob oo xasaasi ahaa, kana mid ahaa...

XOG: Khilaaf ka dhashay Nuqulka ugu danbeeya ee la ansixinayo 4-ta cutub Dastuurka Cusub

Kulankii labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Somaliya ee la filayay in maanta lagu ansixiyo 4 cusub oo ka mida Dastuurka KMG ah ayaa dib...

Tegista Farmajo ee Garowe iyo Isbaheysiga cusub ee Mucaaradka Madaxweyne Xasan Sheekh

Iyadoo ay sii xoogeysaneyso xiisadda siyaasadeed ee wax ka bedelak Dastuurka ayaa waxaa soo baxaya dadaaladii ugu danbeeyay ee dhinacyada iska horjeeda.Madaxweynihii hore Maxamed...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you