Saturday, July 5, 2025

Qarixii ka dhacay Degmada Kaxda iyo Casharrada ay tahay in laga barto (Akhriso Qormo muhiim ah)

-


Habeen hore, gaari qaraxyo ka buuxaan ayaa ku baryay waaxda 5-aad ee degmada Kaxda, waxaa la ii sheegay iney la socdeen 5 qof oo hubeysan kuwaasoo watay dharka ciidanka dowladda.

Waxey joojiyeen dhismo jiingad ah oo halkaasi ka socday, waxaa loo sheegay in dhismahan ay ka warqabaan maamulka, si gaar ah gudoomiyaha waaxda 5-aad.

Raggii hubeysnaa ayaa amray iney u yeeraan guddoomiyaha u amray in dhismaha la fuliyo, dadkii guriga dhisanayay ayaa durba u yeeray gudoomiyaha, daqiiqado yar gudaheedna waaba uu u yimid.

Guddoomiye waaxeedka oo lagu magacaabo Ibraahim Coloow oo wata gaari Surf ah ayaa durba goobta yimid, waxaa la socotay Faaduma Mattaan oo ololaha talaalka caafimaadka waday.
Raggii hubeysnaa iyo gudoomiyaha Waaxda ayaa is helay, gudoomiyaha waxa uu ku yiri ” Maxaad dhismaha u joojineysaan maadaama aan amray anigan gudoomiyaha waaxda ka ah?” Wuxuu islahaa waa askar dowladeed. Waxey u sheegeen inuu soo dagto oo ay dhulka ku wada hadlaan.

Sidaasuu u soo dagayna, iyagoo magaciisa sheegaya oo leh waxaa tahay qofkii aynu dooneynay ayey rasaas la dhaceen, halkaas ayuuna ku dhintay wll Ibraahim Coloow. Faaduma Mataan oo la socotay gudoomiyaha la dilay ayaa iyadoo argagaxsan goobta ka carartay, iyadoo qeybaha danbe ee jirkeeda rasaasta ay kala dhaceen, taasoo keentay iney iyana walaasheen goobta ku naf baxday.

Raggii hubeysnaa waxey hore u sii qaateen gaarigii gudoomiyaha ay dileen oo ay ku baxsadeen, iyagoo isaga tagay gaarigii qaraxyada ay ka buuxeen. Dadkii xaafada oo durba helay xogta labada qof ee la dilay ayaa degdeg u gaaray goobta, qiyaastii waxaa loo soconayaa mudo saacad ah, waxeyna shacabka birmaday ay wateen ku dhawaaad 7 gaari, lama socon marka hore wax askar ah, walow meeshaas khatarteeda laga warqabay.

Marka ay meesha tageen waxaa uga daba tagay Gudoomiyaha degmada oo ay la socdaan Taliyayaasha Nabad Sugida iyo Booliska degmada, iyo howlwadeeno badan oo maamulka kamida.

Dadkii goobta buux dhaafiyay waxaa si kore iyo hoosaba loogu sheegay ineysan u dhawaan gaariga oo qaraxyo looga shakisanyahay, balse dadka weyba ka maahsanaayeen fariimahaa digniinta ahaa.

In ka badan 40 daqiiiqo ayaa la iska dul taagnaa gaariga qaraxyada ay ka buuxeen, maamulka, Saraakiil iyo Shacabba cid aagiisa ka maqneyd ma aaney jirin. Waxaa la ii sheegay in laba kamida dhalinyaradii goobta tagtay uu mid kamida gaariga hoostiisa galay, halka kan kalena uu gargaraacay turuska hore ee gaariga, labadooduba wey ka badbaadeen xasuuqa dhacay.

Qof kamida asxaabta ayaa u tagay dhalinyaradii gaariga ka agdhaweyd oo qaarna soo jiiday kuwana ugu qeyliyay in gaariga qaraxyo ka buuxaan ee laga soo cararro, balse wali dadka wey dhooban yihiin halkii gaariga.

Waxaa la isku raacay in meydadka labada qof ee hore ee la dilay la saaro gaari Ambalaas ahaa oo loo qaaday dhanka C.I.D. afar dhalinyarro ah ayaa la raaciyay, sidaaduu gaarigaa u baxay ayaa mar kaliya la maqlay qarax aad u xooggan oo mar kaliya bedelay jawigii goobta.

Meeshii camirneyd waxa ay isu bedeshay lama degaan, dadkii waxaa kala qariyay qiiq iyo Uuro, waxaa la maqlayay oo kaliya dhalinyaradii qaar oo leh war i qaada dhaawac baan ahayee.
Dadkii qaraxa ka badbaaday ayaa wada argagaxay, mid kasta oo gaari watay ayaa marba gaariga dhinac ula cararra, haddana wuxuu ku soo laaban isla goobtii uu ka tagay, gawaaridii waxey noqdeen kuwo muraayadihii ah ka wada daataan.

Gaarigii Ambalaaska ayaa labadii meyd ee hore laga dajiyay oo lagu daad gureeyay dhaawacyadii qaraxa ee naftu ku jirtay. Waxaa meesha ku geeriyooday gudoomiyihii waaxda LiiqLiiqato ee degmada Kaxda Nuur Geedoow, xiliga qaraxa uu qabsanayay waxa uu ku hadlayay telefoon Gaarigana waxa uu kamid ahaa dadkii ugu dhawaa.

Waxaa meesha dhaawac ahaan looga soo qaaday dad 10 ruux ah oo wada Ilma Adeera ah, taasoo keentay iney nagu adkaato cida aan Isbitaalka ku heyneyno, maadaama ehel la wada yahay.

Ma Koot Libaax baan heynaa, mise Xuseen Daahir oo ka daran, mayee Armuu labadoodaba Bashiir Garab ka sii daran yahay, Axmed Bashiir horta hala aado isagaa dhiig u baahanee, Maxamed Cabdi Cali hadda ma hadli karaa, Cabdi Khadar iyo Yaasiin Yuusuf horta qeybta ICU-da malaga soo saaray.

W/Q: Abdulshakur Mohamed

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Shirkii Madaxweyne Xasan iyo Madasha Mucaaradka oo la isku mari waayay (ma burburay mise..?)

kulankii labaad shirka Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madasha Samata-bixinta Mucaaradka ayaa maanta ka dhacay xarunta Madaxtooyada ee Villa Somaliya.War kooban oo kasoo baxay...

FAAHFAAHIN: Dad yar oo ka badbaaday Diyaaraddii AUSSOM ee ku burburtay Garoonka Muqdisho

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helay diyaarad nooca Helicopter-ja ah oo ay lahaayeen ciidamada Midowga Afrika ee howlgalka AUSSOM, taasoo kasoo kacday garoonka Ballidoogle...

Dhalinyarro careysan oo bannaanbax Careysaan ka dhigay magaalada Muqdisho iyo Rasaas loo adeegsaday

Dhalinyarada ku shaqeysata Mootada dhugdhugleyda ee loo yaqan Fekon-ta ee aya maanta bannaabax careysan ka dhigay caasimadda Muqdisho, iyagoo xirtay Isgoyska muhiimka ah ee...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Calan-saarkii iyo xuskii ugu weynaa u sameeyay 1-da Luulyo (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay iyo maanta si aan hore loo arag u xusay munaasabadda xoriyadda gobollada Koonfureed iyo midowgii...

Ra’iisal wasaaraha Qatar oo qaabilay Madaxweynaha Somaliland iyo dowladda Qatar oo xaqiijisay Qaranimada Somaliya

Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar, Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al-Thani ayaa xafiiskiisa magaalada Doha ku qaabilay Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro). War...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhagax dhigay dhismaha Garoonka cusub ee ‘New Mogadishu International Airport’

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Mas'uuliyiin la socda ayaa gaaray degaanka Haabaay ee degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellaha Dhexe.Safarka Madaxweynaha waxaa ku wehliya...

Madaxweyne ku xigeenkii Jubaland oo ku geeriyooday Nairobi iyo Madaxweyne Xasan Sheekh oo Qoraal kasoo saaray

Allaha u naxariistee waxaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya maantya ku geeriyooday Madaxweyne ku xigeenkii labaad ee maamulka Jubbaland Cabdulqaadir Xaaji Maxamuud (Lugadheere).AUN C/qaadir...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you