Mac-hadka Heritage ayaa warbixin daraasad ah kasoo saaray hoggaanka Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo labadii sano ee talada uu hayey, waxayna si weyn uga deyriyeen arrimaha amniga iyo siyaasada iyagoo tallooyin u soo jeediyey inta xukunkiisa ka harsan. Warbixinta waxay ku bilaabaneysaa sida hoos ku qoran;
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaa Madaxweynaha Soomaaliya loo doortay, 8-dii Febraayo 2017-ka, isaga oo ballan-qaaday in uu horseedayo is-baddel weyn, sugayo amniga, xasilinayo siyaasadda, kobcinayo dhaqaalaha, la dagaalamayo musuq-maasuqa, uuna la imaanayo siyaasad arrimo dibadeed oo sarraysa.
Laba sano kaddib, haddii la qiimeeyo waxqabadka Madaxweynaha, waxaa soo baxaya, in qorsha-yaashiisii qaar, ay u suurto galeen, kuwo kale oo badan – oo uu ballan qaaday xilligii doorashada iyo Shirkii London-na – aanay waxba ka hirgelin. Dhanka guulaha, Xukuumadda Farmaajo iyo Khayre (XFK) waxay guulo wax ku ool ah ka gaareen dadaalada in Soomaaliya deynta laga cafiyo, waxay xawaare geliyeen wada xaajoodka hay’adaha maaliyadda adduunka (sida Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF), waxay kordhiyeen dekhliga dowladda, waxay ku guuleysteen kasbashada kalsoonida shacabka, waxayna ku mintideen wada shaqaynta hay’adda fulinta (Madaxweynaha iyo Wasiirka 1-aad), sidaas oo ay tahayse, ma hirgelin in badan oo ahaa ballan-qaadyadii Madaxweynuhu doorashada ku galay.
Waxaa isa soo tari waayey, ballan-qaadkii Madaxweyne Farmaajo ee ahaa, in xukuumaddiisu ay Al Shabaab uga adkaanayso laba sano. Taa iska daaye, waxuu ku guuldaraystay in uu hirgeliyo ballan-qaadkiisii ahaa, in uu furayo jidadka Muqdisho, oo in badani ay si joogto ah, u xiran yihiin, kuwa kalena ay xirnaantoodu, soo noq-noqoto. Dhanka siyaasadda arrimaha gudaha, labadii sano ee la soo dhaafay, waxaa hareeyey, jaah-wareer iyo is-qab-qabsi, dhowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ah.
Si awood sheegasho ah, shaqo ka eryiddii uu Madaxweynuhu ku sameeyey, guddoomiyayaashii baaarlamaanka iyo kii maxkamadda sare, waxay noqotay, talaabo ka yaabisay xitaa taageerayaasha madaxweynaha. Waxaan iyana suurto gelin, in go’aan siyaasadeed, oo loo dhan yahay, laga gaaro, qodobadaa dastuurka ee aan weli laga heshiin, kuwaas oo ahmiyad gaarka ah u leh, hirgelidda doorashada 2020.
Sidoo kale, waxaan heshiis buuxa oo la isku raacsan yahay aan laga gaarin, hannaanka doorasho oo Soomaaliya qaadanayso 2020-ka, taas oo fogeyneysa suurtagal-nimada doorsho qof iyo cod ah, oo dhacda 2020-ka. Waxaa iyana aan suurto gelin, in la adkeeyo, dhidibadana loo aaso, hannaanka fadaraaleynta, iyaga oo maamul-goboleedyadu, aanay kana sii xoogaysan, kana sii maamul-wanaagsanaan, siday ahaayeen laba sano ka hor. Waxaa isaguna istaagey, wadahadaladii Somaliland, weliba, kala shakiga iyo kala aamin-baxa labada dhinac, hadda sida uu u xun yahay abid ma noqon.
Xagga siyaasadda arrimaha dibadda, waa daciif ama waa xumaaday xiriirka ay Soomaaliya la leedahay dowladiha iyo hay’adiha ay sanadahaan danbe sida aadka ah ugu tiirsanayd sida: Qaramada Midoobey, inta badan dalalka reer Yurub, Turkiga, Uganda iyo Sacuudiga iyo Imaaraadka oo Khaliij ahaan, ah, kuwa xiriirka ganacsi oo ugu baahsan, ay Soomaaliya la leedahay iyo Jabuuti oo ah waddan walaal ah dhow ah. Saaxiibada dhow ee Soomaaliya, waxaa noqdeen dalal faraha hal gacan lagu tirin karo.
Dhanka musuq-maasuqa, aad ayaa loo hadal hayaa la dagaalankiisa, waxaana jira, daah-furnaan muuqata oo ku aaddan dekhliga ay dowladda soo uruursato iyo bixinta kharashyada. Dhanka kale, dhaqaalaha xukuumadda Qatar ka soo gala dowladda Madaxweyne Farmaajo iyo sida ay u isticmaasho waxay noqotay arrin aan wax badan laga ogeyn, aadse loo hadal hayo.
Si kastaba ha noqotee, waxaa shaki badan ku jiraa in uu yaraaday ku takri falka xoolaha ummadda. Waxaaba la oran karaa, guud ahaan Soomaaliya, musuq-maasuqu ma xakamaysna, ee waa xarga-goostay, laaluushkuna wuxuu noqday furaha lagu kasbado xildhibaanada, doorashadana loo maro.