Thursday, July 3, 2025

Qorsheyaasha Dahsoon ee Madaxweyne Farmaajo & Dagaal ku soo fool leh dadka reer Mogadishu!

-

Ciidamadii ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya ee Ururka 60aad ayaa laga wareejiyay amniga Madaxtooyada Soomaaliya iyadoo lagu badalay ciidamo laga keenay Gobolka Gedo. Waxaa sidoo kale la kordhiyay tirada ciidamada ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya oo markii hore ahaa 600 hadana la gaarsiiyay 1,600.

Ciidamada la badalay ayaa la soo shaqeeyay Madaxweyneyaashii hore Soomaaliya Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh waxayna dhamaantood ka soo jeedaan Gobolka Banaadir iyo deegaanada ku xeeran. Horay ayaa sidaan oo kale ciidamo laga qaaday Gobolka Banaadir iyo Shabeelada Dhaxe loo geeyay deegaano katirsan Gobolka Shabeelada Hoose kadibna weeraro qorsheysan inta Alshabaab ku qaadeen lagu xasuuqay ciidamadaas, gaadiidkii iyo hubkii ay wateena ka qaateen. Weeraradaas waxay ka kala dhaceen Bariire (Agoosto 2017), Awdheegle (Agoosto 2019) iyo Ceel Saliini oo labo jeer ah (Septeembar 2019 iyo Febaraayo 2020).

Weerarada ciidamadaan lagu xasuuqay ilaa hada madaxda dowladu kama hadlin, mararka qaarna hanbadii ka hartay ayaa xabsiyada loo taxaabay sidii Bishii Septeembar ee sanadkii 2019 ka dhacday deegaanka Ceel Saliini ee Gobolka Shabeelada Hoose.

Sidoo kale asbuucyada nagu soo aadan waxaa dalka dib loogu soo celin doonaa Ciidamadii Eritereeya lagu tababaray ee Madaxweynaha iyo Taliyaha Nabad Sugida sida gaarka ah u qorteen. Cidamadaas ayaa la geyn doonaa sida ilo xog ogaal ah ii sheegeen baraha koontaroolada magaalada Mogadishu laga soo galo si ciidamada militariga ee duurka loo bixiyay looga mamnuuco in ay magaalada dib ugu soo laabtaan. Qorshahaan ayaa ah bilowga diyaar garow Madaxweyne Farmaajo ku doonayo suuro gelinta dhowr arimood:

1. In ciidamada dowlada laga sifeeyo dadka ka soo jeeda Gobolada Banaadir iyo Shabeelada Dhaxe. Iyadoo xeryo banaanka ah loogu oodayo Alshabaab si ay u laayaan, inta soo hartayna laga celiyo in ay dib ugu soo laabtaan magaalada Mogadishu.

2. In marka la gaaro dhamaadka muddo xileedka Madaxweyne Farmaajo oo hada ay ka harsan tahay wax ka yar sanad uu isku dayo in uu xukunka ku sii haysto awood ciidan sidii nidaamkii keligii taliska ahaa ee Maxamed Siyaad Bare.

3. Hadii gadood ciidan ama mid siyaasadeed uu ka dhasho meelmarinta qorsheyaashaan gurracan ee Madaxweyne Farmaajo damacsan yahay in uu ciidamadaan u isticmaalo la dagaalanka siyaasiinta iyo caburinta bulshada ku dhaqan Gobolka Banaadir.

Hadaba, mar hadii Madaxweyne Farmaajo uu xilkii Soomaali u dhiibatay ku bedelay qabiileynta hay’adihii dowlada iyo hurinta colaado iyo dagaalo dalka oo dhan ah sida: Somaliland, Puntalnd, Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Jubaland gaar ahaan Gobolada Gedo iyo Jubadda Hoose, waxaa isweydiin mudan waxa kale ee laga filan karo oo aan ahayn in uu dalka dib u geliyo dagaal sokeeye.

Ugu dambeyn waxaan ku talin lahaa in dowlad goboleedyadu ka ilaashadaan Farmaajo iyo kooxdiisa maamuladooda iyo in gaar ahaan reer Galmudug, Hirshabeelle iyo Gobolka Banaadir si degdeg ah isugu yimaadaan kulan wadatashi oo ku saabsan waxa laga yeelayo kooxdaan sharciyadii iyo dastuurkii dalka ka tallaabsatay.

Mahadsanidiin.

W/Q: Hon. Mahad Salad

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

FAAHFAAHIN: Dad yar oo ka badbaaday Diyaaraddii AUSSOM ee ku burburtay Garoonka Muqdisho

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helay diyaarad nooca Helicopter-ja ah oo ay lahaayeen ciidamada Midowga Afrika ee howlgalka AUSSOM, taasoo kasoo kacday garoonka Ballidoogle...

Dhalinyarro careysan oo bannaanbax Careysaan ka dhigay magaalada Muqdisho iyo Rasaas loo adeegsaday

Dhalinyarada ku shaqeysata Mootada dhugdhugleyda ee loo yaqan Fekon-ta ee aya maanta bannaabax careysan ka dhigay caasimadda Muqdisho, iyagoo xirtay Isgoyska muhiimka ah ee...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Calan-saarkii iyo xuskii ugu weynaa u sameeyay 1-da Luulyo (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay iyo maanta si aan hore loo arag u xusay munaasabadda xoriyadda gobollada Koonfureed iyo midowgii...

Ra’iisal wasaaraha Qatar oo qaabilay Madaxweynaha Somaliland iyo dowladda Qatar oo xaqiijisay Qaranimada Somaliya

Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar, Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al-Thani ayaa xafiiskiisa magaalada Doha ku qaabilay Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro). War...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhagax dhigay dhismaha Garoonka cusub ee ‘New Mogadishu International Airport’

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Mas'uuliyiin la socda ayaa gaaray degaanka Haabaay ee degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellaha Dhexe.Safarka Madaxweynaha waxaa ku wehliya...

Madaxweyne ku xigeenkii Jubaland oo ku geeriyooday Nairobi iyo Madaxweyne Xasan Sheekh oo Qoraal kasoo saaray

Allaha u naxariistee waxaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya maantya ku geeriyooday Madaxweyne ku xigeenkii labaad ee maamulka Jubbaland Cabdulqaadir Xaaji Maxamuud (Lugadheere).AUN C/qaadir...

Dowladda QATAR oo u yeertay Madaxweynaha Somaliland C/raxmaan Cirro iyo ujeedka socdaalkiisa

Madaxweynaha Somaliland C/raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta gaaray dalka Qatar, halkaas oo la sheegay inay uga bilaabatay booqasho rasmi ah, kadib martiqaad ay...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you