Qunsul Soomaaliya u fadhiyay dal muhiim ah oo isu bedelay Sarkaalka Protocol-ka Madaxweyne Farmaajo

0
Who Is Really In Control In Mogadishu? The presidency of Somalia

Doorashadii Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo waxyaabaha laga dhaxlay waxaa ka mida mas’uuiyiin safiiro u badan oo xilalkoodii ka tegay kana mid noqday gacan-yareyaasha Madaxweynaha cusub.

Mid ka mida diblomaasiyiinta Soomaalida ee tallaabadan qaaday waa ninka lagu magacaabo Siyaad Maxamuud Shire oo ah Qunsulka Soomaaliya ee dalka Sacuudiga, kaasoo ka mid ahaa ololaha musharax Farmaajo xilli sharci darro ay ahayd in shaqaalaha dowladda ay ku lug yeeshaan ololaha doorashada.

Siyaad Maxamuud Shire isla markii la doortay Madaxweyne Farmaajo wuxuu isu bedelay sarkaalka nidaamka ama protocol-ka u qaabilsan Farmaajo iyadoo mar waliba lagu arko inuu garab taagan yahay.

Safiiro iyo safiir ku xigeeno ayaa Diblomaasigan ku wehliya inay shaqooyinkoodii ka door bideen si ay uga mid noqdaan shaqaalaha madaxtooyada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.

Warar xogogaal ah ayaa sheegayaa in inta badan gacan-yareyaasha cusub ay xilal wasiiro ka doonayaan madaxweynaha ay saaxiibada yihiin, iyadoo ololeyaasha xilalka Ra’iisal wasaaraha iyo wasiirada xukuumadda cusub ay durba socdaan.

147

Goobjooge.com