Ra’iisal wasaare Kheyre oo ka qeybgalay Salaad Roobdoon ah & Farmaajo oo ka baaqsaday

0

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka qeyb galaya isu soo bax iyo salaad roobdoon ah oo hadda ka socota magaalada Muqdisho.

Salaada roobdoonka oo ay ku baaqeen culimada iyo madaxweyne Farmaajo ayaa maanta ka dhaceysa magaalooyin badan, waxaana boqolaal qof ay isugu tageen Masjidka Isbaheysiga islaamka.

Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa ku biiray roobdoonka ka socda Masjidka Isbaheysiga iyadoo la xiray wadooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka baaqsaday ka qeyb galka roobdoonka ka socda Masjidka Isbaheysiga iyagoo hore loo filayay inuu ka xaadiro.

Image may contain: 1 person, sitting

Goobjooge.com