Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta kormeer howlleed ku tagey Dekadda weyn ee Magaalada Muqdisho.
Ujeedka kormeerka ayaa ahaa u kuurgeliddao hannaanka ay u shaqeyso Dekaddu, iyo la socodka xaaladaha ilaha dhaqaalaha laga aruuriyo.
Wuxuu kulan gaar ah la yeeshay maamulka Dekadda, isagoo ka xog-wareystay qaabka ay u shaqayso dekaddu, caqabadaha ka jira iyo qaabka ugu wanaagsan ee loo tayeyn karo adeegyada ay dekaddu u hayso shacabka Soomaaliyeed.
Waxaa warbixin siiyay agaasimaha cusub ee dekadda Axmed Maxamed Washington oo sheegay inay qorshaha ugu jirto dardar gelinta howlaga dekadda Muqdisho.