Safaaradda Mareykanka oo Isbaheysi ‘Kutlad’ u sameyneysa haweenka xildhibaannada ah [Sawirro]

0

Safaaradda Mareykanka ee magaalada Muqdisho ayaa ku dhaqaaday tallaabo  ay ku abaabuleyso haweenka xildhibaanada ah ee labada aqal ee Baarlamaanka.

Xildhibaano gaaraya 30 oo ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya tegay safaaradda Mareykanka iyadoo loo qabtay seminaar looga sidii ay u sameysan lahaayeen isbaheysi ay codkooda ku muujiyaan.

Waxaa seminaarka soo qabanqaabiyay urur qaabilsan xaquuqda Haweenka ee SGEM oo taageero ka helay safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya. Waxaa lagu sameeyay qorshe ay ku shaqeyn lahaayeen 4 sano ee soo socota ururka Haweenka Baarlamaanka Soomaaliyeed ee (Kokiska).

Waxaa kulanka ka hadashay Gudoomiyaha ururka Haweenka Baarlamaanka Soomaaliyeed Xildhibaan Biibi Khaliif Cumar oo sheegtay in dumarka baarlamaanka ay u baahan yihiin in haweenka xildhibaanada ah loo tababarro sidii ay isugu xirnaan lahaayheen.

Safiir ku xigeenka Mareykanka ee Soomaaliya Lubna Khan ayaa balan qaaday in Mareykanka uu dumarka baarlamaanka ee labada Aqal ka taageeri doono sidii ay isbaheysi u yeelan lahaayeen iyo tababarro la siinayo haweenka xildhibaanada ah.

SAWIRRO