Safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho ayaa kulan gaara caawa la yeelatay madaxweynihii hore ee Soomaaliya iyo kooxdii lasoo shaqeysay.
Kulanka oo ka dhacay xarunta safaarada weyn ee Turkigu ku leeyahay magaalada Muqdisho ayaa la sheegay inuu ahaa casho sharaf iyo mahadcelin.
Safaaradda Turkiga ayaa sheegtay in kulanku ahaa sagootin iyo bogaadin madaxweynaha hore iyo kooxdii la shaqeyneysay ay u sameeyeen.
Xubnaha Xasan Sheekh ku wehliyay kulanka cashada ahaa ee safaaradda Turkiga ka dhacay waxaa ka mida: C/raxmaan Maxamed Odowaa, Faarax Sheekh C/qaadir, Cali Balcad iyo Saadaq C/kariin.
Hore waxay safaaradda u casuuntay madaxweyihii hore ee KMG ahaa Shariif Sheekh Axmed oo ka mid ahaa musharixiinta galay tartanka madaxweynaha Soomaaliya ee 2017.
DAAWO SAWIRRO
Goobjooge.com