Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya oo Ra’iisal wasaare Kheyre ugu yeeray Garoonka Muqdisho

0

Safiirka Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya Stephen Schwartz ayaa kulan la yeeshay Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Kulanka oo ahaa mid uu dalbaday safiirka ayaa ka dhacay garoonka diyaaradaha Muqdisho sida ay shaacisay safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya.

Stephen Schwartz ayaa Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya kala hadlay horumarka laga gaaray qorshaha ammaanka Soomaaliya iyo xaaladda gurmadka abaaraha.

Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa sheegay inuu  qaabilay Amb. Stephen Schwartz, ayna ka wadahadleen tayeynta Ciidanka Qalabka sida, Gurmadka Abaaraha iyo la dagaalanka Argagixisada.

Madaxda Mareykanka oo uu ka mid yahay safiirka ayaan soo dhaafin Garoonka, waxaana madaxda Soomaalida ay ku qasban yihiin inay tagaan garoonka diyaaradaha si ay u qaabilaan saraakiisha Mareykanka.

Arrintan ayaa ka mid ahayd qoddobo si weyn loogu dhaliiyay dowladii hore, iyadoo la filayay inay dowladda cusub ay xal u hesho, laakiin dowladda Mareykanka ayaa culeyska ugu weyni ka imaanayaa.

https://pbs.twimg.com/media/C9ybEJ-WsAAPA6u.jpg