Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhaba uga dhawaaqay baaq in degdeg dunida u soo gurmato Soomaaliya.
António Guterres oo kulan socday muddo kooban gudha garoonka Mqudisho kula qaatay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kadibna booqday Magaalada Baydhaba ayaa ku dhawaaqay in xilligan dad gaaraya 6.2 millian oo Soomaali ah ay u baahan yihiin gargaar bani’aadanimo.
António Guterres ayaa sheegay in beesha caalamka uga baahan yihiin taageero degdeg ah si aan loogu laaban macluushii dalka Soomaaliya ka dhacday sanaddii 2011.
DAAWO SAWIRRO
Goobjooge.com