SAWIRRO: Aaska Wasiirkii Howlaha Guud oo ka dhacay Muqdisho & Madax ka qeyb gashay

0

Aaska Wasiirkii howlaha guud ee xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Waxaa aaska ka qeyb galay madaxda dowladda Federaalka, sida Ra’iisal wasaaraha, kuxigeenkiisa, wasiiro, xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale, waxaana lagu aasay qabuuraha Isbitaalka Medina ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Soomaaliya oo duhurnimadii dib ugu soo laabtay Muqdisho ayaa iska ka qeyb galay salaadii janaasadda ee marxuum Cabbaas C/llaahi Siraaji loogu sameeyay masjidka madaxtooyada, waxaana ku weliyay guddoomiyaha Baarlamaanka. Ra’iisal wasaaraha ayaa dareen murugo leh ay si weyn uga muuqatay.

SAWIRRADA